Connect with us

somalilandtoday.com

In Muuse Biixi Kooxo Dhalinyaro Ah U Afduuban Yahey Waxa Cadeyn U Ah Wacyiga Dalka Yaala Halka Uu Hadalkiisu Daaran Yahey

Articles

In Muuse Biixi Kooxo Dhalinyaro Ah U Afduuban Yahey Waxa Cadeyn U Ah Wacyiga Dalka Yaala Halka Uu Hadalkiisu Daaran Yahey

Hadal Kama Taagna In Mujtamaca Somaliland Muran Baddani Ka Galey Madaxweynanimada Hogaamiyahooda Xiligan Muuse Biixi Cabdi Kadib Markii uu Dorraad Warbaahinta Kala Hadley Duruufo Isaga Ku Kooban oo Go.aan Qaadashadoodu Xal u Tahey Geedi Socodka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda oo uu Kaga Dhigey Waxa uurka Kuugu Jirra Ayuu Afku Kaa Xadaah.

Waxeynu Wadda Ognahey in Ay Dalka Somaliland Ka Jiraan Wakhti Xaadirkan Duruufo Saamayn Ku Yeeshay Nolosha Bulshada uu Madaxweynaha u Yahey, oo Mar Walba ay Waajib Tahey Haddii uu U Holladey in uu La hadlo Mawduucyadda Dalka Yaala Sida Sixirbararka uu Ugu Yimid Dalka ee Aan Joogsiga Laheyn,Tabashada Beelaha ee Saamaynta

Ku Leh Maamulkiisa iyo Xukuumadiisa oo Maalinba Maalinta u Dambeysa kusii Abuureysa Mucaaridad aan Joogsi Laheyn, oo Xataa Saameyn leh, ,kaliya Isaga Ayaa Ku Celceliyey Maxkamada Sare,Haddii Ay Xisbigii La Tartamey Kalsooni Ku Qabo Maxkamada Maalintaa Ay Taagneyd Doorashada Murankeedu ayey U Geysan Lahaayeen Dacwaddooda Miyaaney Dhab Noqoneyn In Uu Isagu Jeebka Ku Haysto Marka uu Leeyahey Makamada In ay Tagaan ayey aheyd Taasaa Muujinaysa Kalsoonida uu Ku Qabo Kalidii

Waxa uu Lahadlayey Warbaahinta 45 Daqiiqo Nasiib Darro ayey u Tahey in aanu Duruufaha Jirra iyo Wacyiga Taagan midna Ku Xusin Xataa, Kuma Xusin in uu Shacbiga u Iftiimiyo Qoddobkii Xasaasiga ahaa ee Kufsiga oo Arimaha Diinta Islaamka Saameyn Ku Lahaa, Hooyooyinka Messageka Baanku Ku Socdo ee La Tacaalaya Nolosha iyo Waayaheeda Kala Duwan, Mana Jiro Nuxur Kaliya oo aan Kalsooni Daraddaa Ka Muuqata aheyn oo Laga Qaatey Hadalkiisa, isagoo Markii Sadexaad hor Yimid Warbaahinta.

Gabagabadii Anigoo Koobaya Qormadeyda Waxaan Leeyahey Waxaa Tusaale Inagaga Filan Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi in aaney aheyn Mid Kalsooni Shaqo Ku leh habayaraatee, taas oo Walwal iyo Walaac ku abuurtey Guud ahaanba Bulshada Xisbiyada, iyo Umada Somaliland oo Dhan, Waxaas oo Dhana Waxaa Sabab u ah Kooxdaa Dhalinyarrada ah ee Isaga Qolka Ku Xidhey Taas oo aan Leeyahey, Saluugii Shacbigu Ka Muujiyey Xukuumaddii uu Doortey Waxa Tusaale u ah Inaan Xataa Qof Tallo iyo Toosin Ku Dhaamaa Xukuumadiisa Kujirin.

Gabagabadii Waxaan Kusoo Koobayaa Hadalkiisa Waxeynu Ku Garawsaney In uu U Afduuban Yahey Ciyaal aan Waayo Aragnimo.Laheyn Waxa uu Ka Hadley iyo Wacyiga Dalka Yaala.Malaha Qaarbaanu Ogeyn Oo Madaxweynahaba Wuxuu u Haystaa in WX Badan Laga Qariyo Mar Hadii Maanta Lawada Arkey Qodobo aan Hore uga Sheegay Kuwa Kale oo Badan Bulshadu Haka Sugto Allahayow Col Aan Kujiro Mar Uun Fiintu haka Qeyliso.

Wabilaahi Tawfiiq

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top