Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Kenya Oo Dib Ugu Celisay Magaalada Muqdisho 17 Qof Oo Soomaali Ah

focus

Dawladda Kenya Oo Dib Ugu Celisay Magaalada Muqdisho 17 Qof Oo Soomaali Ah

(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa dib ugu celisay magaalada Muqdisho illaa 17 muwaadiniin Soomali ah oo ku sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda iyadoo diyaaradii ay saarnaayeen ay hakad ku sameyneysay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa loo diiday inay u sii gudbaan dalka Uganda waxaana lagu eedeeyay inay buuq iyo rabshado ka sameeyeen garoonka diyaaradaha.

Sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya Gordon Kihalangwa, ayaa sheegay in dadka dib loogu celiyay Muqdisho ay ahaayeen kuwo aanan haysan dukuminti rasmi ah iyo oggolaansho dhinaca ammaanka ah.

Dowlada Kenya gaar ahaan Booliska, Sirdoonka iyo hay’ado kale ayaa adkeeyay ammaanka garoomada diyaaradaha iyadoo dowlada Kenya ay u diyaargaroobayso in duulimaadyo ay diyaaradaheeda si toos ah ugu tegeyaan dalka Maraykanka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safar ku mara dalka Kenya ayaa dhibaato kala kulma garoomada diyaaradaha ee dalkaas iyadoo sida dhacday shalay dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxa safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ama Wasaarada Arrimaha Dibada dalka dhibaatooyinkaas Soomaalida ka haysta garoomada diyaaradaha dalka Kenya .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top