Connect with us

somalilandtoday.com

Dawlad Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Heshiiska ONLF Iyo Itoobiya

focus

Dawlad Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Heshiiska ONLF Iyo Itoobiya

(SLT-Jigjiga)-Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay heshiis dowladda Itoobiya ay la gashay jabhadda hubeysan ee ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac, wuxuuna heshiiskaasi qeyb ka yahay isbadallada uu la yimid ra’iisalwasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Haddaba weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam, ayaa heshiiskaasi iyo in xukuumadda Dowlad Deegaanku ay gacmo furan ku soo dhaweyn doonto jabhaddaasi weydiiyay wasiirka warfaafin Dowlad deegaanka Soomaalida Guuleed Aw Cali Kaahin.

Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa ka hadlay sida ay u arkaan heshiiska dhexmaray dawladda dhexe ee Itoobiya iyo jabhadda ONLF. Adiguna sideed u aragtaa? saaxiibbadaa la sii wadaag.

Posted by BBC News Somali on Monday, October 22, 2018

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top