Connect with us

somalilandtoday.com

49 Guurada Kacaakufkii Kacankii Oktoobar 1969-1991

Articles

49 Guurada Kacaakufkii Kacankii Oktoobar 1969-1991

Waxay ahayd abaara 3;00 Am habeenimo 1969kii markii Ciidamada qalabka sidaa qabsadeen Xaruntii Villa Somalia.Radio Muqdisho iyo dhamaan Xarumihii Boliska kooxda hoggaaminaysay Inqilaabka aan dhiigu ku daadan(Coup d”etat) oo ahaa 20 Sarkaal oo Military ah iyo 5 sarkaal oo polis ah waxa hogaaminayay Gen- Maxamed Siyaad barre oo ahaa markaas Taliyaha Ciidanka Qalabka Sida Sidaas ayaanay gacanta ugu dhigeen taladii wadanka Somalia.

Tallaabadii koowaad ee uu taliskani qaado waxay ahayd inuu kala Diro Barlamankii Somalia ee la soo doortay 1961 waxa uu isla markiiba mamnuucay wax Xisbi siyaasaded sheegta ama ahba waxa kaloo la mamnuucay Ururrada madaniga ah waxana Xarun kasta oo maamul iyo

golahii wasiirada la wareegay Military isla markaana waxa xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin badan oo ugu waynaa Raisalwasaarihii talada laga tuuray M.X.igaal.
Sadex bilood gudahood waxa la sameeyay Hayaddii Sirdoonka Nabad sugidda (NSS) waxa awood buuxda loo siiyay hayaddan oo loo ansixiyay Xeerka (No-54) iyo xeer (No -1) oo dhigayay in haddii cid laga shakiyo inay wadanka ama xukuumadda lid ku tahay inay awood buuxda u leeyihiin inay taxaabaan.Ciqaabaan.toogtaan maxkamad la aan waxana sidaas ku maqan oo lagu waayay umad badan oo Somali ah hayaddan waxa maamulayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu wasiir ka ahaa Axmed Sulaymaan Cabdalle(Ina dafle) isla markaan uu Sodog u ahaa Siyaad barre.

1970 kii wuxuu ku dhawaaqay Madaxweyne Siyaad barre oo isla markiiba wadada kali talisnimo raacay in waddanku yahay Hantiwadaag (Marxist-Leninism) waxa la mamnuucay nooc kasta oo warbaahined oo aan ka ahayn warbaahinta Xukuumadda Sida Radio muqdisho labada wargeys ee (Xidigta oktoobar iyo Ogaal ) oo ku hadla afka Xukuumadda.

Waxa ku xigay la wareegiddii ilaha dhaqaalaha sida warshadaha.kaalmaha shidaalka iyo shirkadaha xattaa haddii aanay dowli ahayn ee gaar loo leeyahay waxanu kaga jawaabay mar idacadda BBC waraysi arrintaas ka qaadday Maxamed Siyaad barre hadallo jees jees ah(gabadh ayaa walalkeed naaska qabtay markasay tidhi hadba waa sidaan u qaattaa).

1972 wuxuu markiiba khaarajiyay qaar ka mid ah sarakishii ugu waawaynayd ee Inqilaabka la fulisay oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Caynaanshe,Salaad gabayre iyo C/qaadir dheel ka dib markuu lagu eedeyay inay ka hor yimaadeen Kacaanka ka curtay Somalia.

1975 waxa la soo saaray Xeerkii Qoyska oo dhigayay in raga iyo dumarku simanyihiin arrintan oo ay ka biyo diideen Culimadu waxa dhegta dhiigga loo daray koox ka mid ah Culimadii ugu aqoonta dheerayd waxana lagu fuliyay dil toogasho ah arrintan oo fajac iyo argagax abuurtay ka dib markuu M.siyaad barre si toos ah uga hor yimid Aaayado Quraan ah ee Suuratu( Al-Nisaa) ee ka hadlaya dhaxalka kuna tilmaamay waxba kama jiraan.

Isla sanadkan 1975 wuxuu sameeyay Xisbigii Hantiwadaagga Hantiwadaagga kacaanka (H.H.K.S) oo noqday xisbiga keliya ee ka jiray Somalia illaa 1991-kii waxana ka soo qayb galay 3,000 qof waxa la isugu geeyay Xero Ciidan oo markii danbe loogu magic daray kulliyadda Jaalle Siyaad dadka oo laga Soo xulay Degmooyinka, gobollada dalka iyo xaafadaha magaloyinka waxa halkaas lagu sameeyay gole xisbi oo ka kooban 42 qof waxana hogaamiye loogu doortay Maxamed Siyaad barre waxanu qaattay sadex darajo oo ah Madaxweynaha J.D.Somalia ahna Xoghayaha guud ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacanka Somalied isla markaana ah Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia.

1977kii wuxuu dagaal military ku qaadday xukuumaddii Somalia wadanka Ethiopia dagaalkan oo illaa maanta la fahmi waayay sababta loo qaaday iyo sida uu u waafaqi karo shuruucda caalamiga maadama Soohdin caalami ah u dhaxaysay Somalia iyo Ethiopia waxay aqoonyahan badan u arkaan inay tahay sababtii burburka Somalia keentay markii dagaalkaas lagu guul darraystay in Ciidamadii habqanka ahaa ee ka soo noqday ay abuureen Jabhado kala duwan oo mabdaoodu is khilaafay.

Sanadba sanadka ka danbeeya ayuu uga darnaa Somalia markasta oo caqabado siyaasded ka Horyimadaan Xukuumadda Siyaad barre waxay adeegsan jirtay Xabsi,Dil,dhac.Boob,Cunaqabatayn.Bandoo iyo noocyo badan oo cadaadis si ay shicibka u cabudhiso sidaas ayaanay 1978 ay jabhaddii ugu horraysay oo hogaaminayay C/laahi yusuf ku samaysantay SSDF (Somali salvation demoqratic Front)waxay ka dagaal gashay Aaagga Gal-dogob iyo Balanballe 1980-1982

Waxa ku xigtay jabhaddii SNM (Somali National Movement) oo la aasaasay 1981 waxay ka dagaal gashay dhamaan gobolldada Woqooyi 1981-1991 waxa ku xigay Jabhaddii USC iyo qaar kaloo badan Waxana Somalia ka dhacay dagaallo lagu hoobtay iyo taariikh aad u mugdi badan Qarnigii 20aad oo aan la qiimayn Karin.

Lama dafiri karo in Somalia woxoogay Horumar ah ku tallaabsatay muddadii uu jiray kacaankaas uu hogaamiyay Maxamed Siyaad barre hase ahaattee waxa ka badan khasaaraha uu ka tagay iyo raadka uu reebay taas oo ay meesha ka baxday Is aaminkii Dadka Somalida ahi waana arrinta keentay Bur-burka iyo In Somaliland gooni u go’do Somalia inteeda kalena aanay is haysan ee dadyow shisheeye illaa maanta ka talinayaan.

Wax la soo koobi karo maaha Foolxumooyinka UU taliskaasi abuuray hase ahaatee dadka qaar ayaa mooda marka la soo hadal qaado nidaamkaas foosha xun in loo jeedo reer hase ahaatee maaha arrintu sidaas ee wuxuu ahaa Nidaam System ka dhacay waddamo badan oo Dunida ah Africa ha ugu badnaatee oo marka la sii Alayz gareeyo waxa la yidhaa Gumaystaha ayaa Nimanka Dictatorka ah sii tababaray waayo waxay wadaagi jireen Astaamo(Features) badan nimanka wakhtigan Africa ka Talin jiray waxana la moodaa in loo yeedhin jiray habka ama nidaamka ay wax u xukumaan.

Siday doonto ha noqotee Taariikhda waxa loo racaa in khaladkii umadda ku dhacay aan mar labaad lagu dhicin oo looga weecdo waddadii shalay la soo maray ee lagu halaagsamay.

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

0634101213

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top