Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka ONLF Iyo Dawladda Itoobiya Oo Heshiis Ku Kala Saxeexday Magaalada Asmara

focus

Ururka ONLF Iyo Dawladda Itoobiya Oo Heshiis Ku Kala Saxeexday Magaalada Asmara

(SLT-Asmara)-Kaddib kulan ku dhax-maray magaalada Asmara ee waddanka Eretria mas’uuliyiin ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxeexday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in qodobada leysku afgartay uu ka mid ahaa qodob u ogolaanaya Jabhada ONLF in ay sii wada karaan halgankii iyo ujeedooyinkii ay u halgamaysay.

Qodobkan oo si gaar ah su’aal looga weydiiyay Cadaani ayaa sheegay in heshiisku dhigayo in ONLF si nabad-galyo ah u sii wadan karto halgankii ay markii horeba ugu jirtay xoreynta deegaannada Soomaali Galbeed, taasoo muujineysa in meesha laga saarayo in dagaal iyo colaad lagu raadiyo xornimada iyo halganka Jabhada muddo dheerba ku soo jirtay.

‘’Qodobada waxaa ka mid ahaa in la joojiyo colaada iyo in ONLF si buuxda u sii wadan karto si nabad galyo ah halgankii ay ku jirtay iyo la magacaabo guddiyo labada dhinac ah’’ ayuu yiri afhayeen Cadaani.

Dhinaca ONLF waxaa kulanka ku matalayay xubno uu horkacayay guddoomiyaha guud ee Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan, halka dhinaca Itoobiya ay horkacayeen Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo waliba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Asmara ku kulmaan labada dhinac, hasse ahaatee heshiiska ay markan gaareen ayaa u muuqda mid soo gabagabeynaya wada hadallo waayadii ugu danbeeyayba u socday labada dhinac.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top