(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo dorraad saxaafadda kula hadlay qasriga Madaxtooyadu waxa uu gabi ahaanba meesha ka saaray codsigii ay soo jeediyeen xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ay shardiga kaga dhigeen qabsoomidda doorashooyinka soo socda oo ahaa in la kala diro xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, taasoo Madaxweyne Muuse Biixi ku adkaystay in aan la kala dirayn Xubnaha Komishanka isna aanu awood u lahayn arrinkaasi oo god ku sii ridaya rajadii aadka u yarayd ee marka horeba laga qabay doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu xalka in doorasho wakhtigeeda ku qabsoonto dib ugu riixay xisbiyada qaranka oo iyagu ahaa kuwii marka horeba ku kala kacay iskuna af garan waayay wada hadalladii la xidhiidhay qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo turxaan bixinta caqabadaha ku gedaaman waxaana muuqata in Madaxweynuhu aanu xal kale hayn.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar uu shalay ka hadlayay mawqifkiisa arrintan ku aaddan waxa uu yidhi: “Doorasho in la qabtaa waxa ay u baahan tahay in toban bilood loo diyaar garoobo, markii aynnu doorashadii hore kasoo baxnay ee aynnu xukuumadda dhisnay komishanku waxa ay isugu yeedheen axsaabta, waxana ay nasoo hor dhigeen Barnaamujkii doorashada lagu geli lahaa oo toban bilood ah iyo maalin, bil iyo toddobaad walba wixii la qaban lahaa, saddex arrimood oo kala ah laba doorasho oo isku sidkan oo tii Baarlamaanka iyo tii dawladaha hoose ah oo mid waliba sharci gaar ah hore u lahayd sidii loo midayn lahaa labadooda sharci, ka labaadna wuxuu ahaa in lacagtii doorashadaas lagu qaban lahaa in la keeno, ta saddexaadna waxa ay ahayd in saddexda xisbi iyagaa doorasho galaye wixii saxmay iyo wixii qaldamayba iyagaa laga doonayaa inay keenaan soo jeedin ah halkaas waynnu ku qaldannee aynnu ka baydho, halkaasina way wacnayde aynnu sii xoojinno.”
Si kastaba ha ahaatee waxa ay u muuqataa in doorashadu aanay sinaba ugu dhici Karin wakhtigeeda mar haddii Madaxweyne Muuse Biixi oo isagu mindida daabkeeda hayay aanu madasha keenin wax xal ah iyo in uu isu soo jiido dhinacyada taasina waxa ay keeni kartaa in jidkii hore ee muddo kordhinta uun uu dalkani sii hayo.