Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Sarreyntii Sharciga Ee Aad Ololaha Ku Soo Gashay Weli Bulshadu Way Ka Sugaysaa.

Articles

Madaxweyne Sarreyntii Sharciga Ee Aad Ololaha Ku Soo Gashay Weli Bulshadu Way Ka Sugaysaa.

Khudbadii uu jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi maanta 20/10/2018, wuxuu sheegay in uu ogolyahay in dib loo tiriyo codadkii doorashada Madaxweyne, sidoo kalena wuxuu sheegay in uu ogolyahay in ay dacwadooda u gudbiyaan Maxkamada Sare, maadama xisbiga Wadani aanu weli ku qancin in doorashadii laga helay.

Waxa is-weydiin mudan sharcigu muxuu ka qabaa, in maanta oo ay doorashadii kasoo wareegtay 11 Bilood dib loo tiriyo codadkii doorashada iyo in maxkamadu ka garnaqdo dacwad ka dhan ah doorashada 11 Bilood kadib?

Sharci ahaan waa qayrul sharci iyo Dastuur jabin in 11 Bilood ka bacdi dib loo tiriyo codad doorasho iyo sidoo in Maxkamada Sare ka garnaqdo

dacwad doorasho ay kasoo wareegtay 11 Bilood, si waafaqsan Xeer Lr: 20/2001 ‘Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada & Golayaasha Deegaanka’. Kaasoo si cad u sheegaya in cida dacwad ka qabta natiijada doorashu ay 7 maalmood gudahood dacwadooda ugu soo gudbin doonaan Maxkamada Sare JSL.
Hadaba, madama Dastuurka iyo sharciga doorashaduba aanay ogolayn arimahan oo kale, madaxweynuhu ma isagaa sharcigii ah oo wixii uu doono ayaa sharci noqonaya. Madaxweynuhu waa Masuulka 1aad ee Qaranka ee ay saaran tahay ilaalinta sharciga iyo Dastuurka JSL, mana haboona in Madaxweynuhu si fudud ay afkiisa uga soo baxdo weedho noocan oo kale ah.

Dhinaca kale, waxa is-weydiin leh mushkilad intee leeg ayay wadanka u horseedaysaa in khilaafkii sanad ka hor wadanka ka jiray dib loo soo cusboonaysiiyo. Mushkiladii doorashadii Madaxweyne ee dhacday November 2017, waxay ahayd tijaabo adag oo ina soo martay dunida inteeda badani waxay saadalinayeen in aynaan ka bixi karin, oo ay noqonayso dhamaadkii Somaliland marka la eego heerka ay gaadhay sida bulshadu u qaybsantay. ilaahay mahadii howshii doorashada waxay inoogu dhamaatay go’aankii geesinimada ahaa ee Xisbiga Wadani qaatay kuna tanaasulay. Cadawgeenuna wuu ka naxay sidii quruxda badan ee aynu howshaasi adag uga soo baxnay. Hadaba, in mushkiladii sanad ka hor bulshada dib loo galiyo waa arin aan sinaba u haboonayn, ninkii caqli lihina wuu garanayaa, bulshaduna maanta uma baahna cid ku dul yooyootanta uma baahna ee cid u wada hogaamisa ayay u baahan tahay.

Arinta khilaafka ku sahabsan komishanka doorashada, markii ay kulmeen Madaxweynaha iyo labada gudoomiye xisbi ee Wadani iyo Ucid, waxay isla garteen in arintan guddi sadex geesood ah oo sadexda xisbi ka kooban loo saaro si ay u soo fududeeyaan uguna soo gudbiyaan dhowr xal oo arintan lagu xalin karo. Gudidii Sadexda xisbi ka koobnayd markii ay wada fadhiisteen, xisbiga Wadani wuxuu soo jeediyey in komishankan hadda jooga la badalo, xisbiga Ucid wuxuu soo jeediyey in laba xubnood oo cusub loogu daro labada xisbi mucaarad midba hal, halka xisbul xaakimka Kulmiye soo jeediyey in aan waxba laga badalin ee sidoodaa lagu daayo oo komishankan jooga ay iyagu qabtaan dorashooyinka soo socda. Hadaba waxay ahayd in Madaxweynaha iyo labadii Gudoomiye Xisbi ee Wadani iyo Ucid inta ay dib u wada fadhiistaan ay isla eegaan xalalka dhowrka ah ee ay gudidu usoo gudbiyeen, halkaana iskula qaataan go’aanka ugu haboon ee lagu xalin karo arintan, iyagoo dhamaantood eegaya duruufaha qalafsan ee dul hoganaya bulshadeena.

Ugu danbayntii, Khudbada maanta ee Madaxweyne Muuse Biixi waxa iiga soo baxday in aanu Madaxweynuhu lahayn La-Taliye sharci oo howlahan uu qabanayo kasii eega.
Sidaa darteed, mudane madaxweyne waxaan si xushmad leh kugu soo jeedinayaa in aad magacabato La-Taliye sharci oo howl kasta oo aad doonayso inaad ku dhaqaaqdo kasii eega.

Allaa weyn ninkii aaminaa awood leh.

W/Q: Garyaqaan Xamse Maxamud Xasan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top