Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo 48 Saacadood U Qabtay Sacuudiga

focus

Madaxweynaha Turkiga Erdogan Oo 48 Saacadood U Qabtay Sacuudiga

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in Salaasada beri ay daaha ka rogi doonaan dhamaan xogta ay ka hayaan dilkii Suxufi Jamal Khashoggi.

Hogaamiyaha Turkiga ayaa hadalkiisa soo saaray kadib qirashadii Dowlada Sacuudiga ku qiratay in Jamal lagu dilay gudaha Qunsuliyadooda Istanbul, balse waxay ku doodeen in aysan rabin inay dilaan suxufiga balse doonayeen inay “Wareystaan”, Riyadh ayaa ku dooday in gacan-ka-hadal halkaasi ka dhashay uu ku dhintay Khashoggi.

Sacuudiga ayaa sheegay inaysan ogeyn meesha uu ku danbeeyey Meydka Jamal Khashoggi oo ay sheegeen inay u dhiibeen mid kamid ah dadka u dhashay Turkiga ee la shaqeeya sirdoonka Sacuudiga, Meydka Jamal Khashoggi ayaa la rumeysan yahay inay sacuudiga jar-jareen oo qariyeen si aan loo ogaan qaabka loo dilay.

Dooda Sacuudiga ayaa u cuntami waayey Beesha Caalamka iyo dowlada Turkiga oo iyadu weli wada baaritaan dheer oo dilkan ku saabsan, waxaana maalmihii lasoo dhaafay Turkida wareysiyo dheeraad ah la yeesheen shaqaalihii ka shaqeenayey Qunusliyada Sacuudiga.

Erdogan oo Sabtidii khadka telefonka kula hadlay Boqorka Sacuudiga ee Salman ayaa la Axadii ku dhawaaqay in maalinta Salaasada ah ay shaacin doonaan dhamaan xogta ay ka hayaan falkan ka dhacay Qunsuliyada, isagoo sheegay in “Runta” ay banaanka imaan doonto.

Khubarada siyaasada ee arrintan falanqeenaya ayaa sheegaya inuu jiro gorgortan hoose oo u socday Turkida iyo Sacuudiga, waxayna u muuqata Erdogan inuu 48 saac u qabtay Sacuudiga inay aqbalaan waxa Turkida ka dooneyso oo aan weli la aqoon, balse xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegaya in Turkida aysan marnaba gorgortan ka geli doonin in caalamka loo soo bandhigo dhamaan xogta ay hayaan.

Tayyib Erdogan ayaa weli u careysay Maxamed Bin Salman oo loo heysto inuu lahaa amarka dilka suxufi Jamal Khashoggi, maadaama uu horey Maxamed Bin Salmaan ugu tilmaamay dowlada Erdogan inay kamid tahay [Sadex-geesoodka Sharka] oo uu ka waday dalalka Qatar, Iran iyo Turkiga, sidaas oo ay tahay Turkiga iyo Sacuudiga ayaa waxaa ka dhaxeeya ganacsi weyn.

Illaa iyo hada lama yaqaan xogta uu Erdogan sheegay inuu shaacin doono Salaasada beri ah iyo inay ku jirto codadka iyo muuqaalka la sheegay in laga duubay dilkii suxufiga oo la rumeysan yahay in sirdoonka Turkida ka heleen qalabka ugu dhegan xarunta Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top