Connect with us

somalilandtoday.com

Jordan Oo Dib Ula Soo Noqoneysa Dhulal Ay Horey U Siisay Israa’iil Iyo Sababta

focus

Jordan Oo Dib Ula Soo Noqoneysa Dhulal Ay Horey U Siisay Israa’iil Iyo Sababta

(SLT-Urdun)-Boqorka dalka Urdun (Jordan) Cabdullahi ayaa Axadii shalay ku dhawaaqay inuu dib usoo ceshan doono labo deegaan oo ay Boqortooyadaasi horey usiisay Israel heshiiskii 1994.

Labadan deegaan oo lagu kala magacaabo al-Ghumar iyo al-Baqura ayaa ku yaal xaduuda Israel iyo Jordan ayaa ah deegaan qani ku ah wax soo saarka Beeraha ay lee yihiin dadka Yuhuuda ah.

Khamiista soo socota ayey ku egtahay xiliga uu dhamaanayey heshiiska dhulkaasi laga kireeyey Isreal, wuxuuna Boqorka Urdun sheegay in uu ka codsan doono Israel inay dib ugu soo ceshaan dhulkaasi, kadib markii uu cadaadis kala kulmay shacabka reer Urdun oo si weyn uga soo horjeeday heshiiskan 25 jirsanaya.

Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa saacado kadib sheegay inay xiriir iyo gorgortan cusub la geli doonaan Boqortooyada Urdun oo ay ka codsandoonaan in dib loo cusbeyneysiiyo heshiiskaasi soo shaqeenaya muddo 24 sano ah.

Wadamada Urdun iyo Masar ayaa ah labada dal ee kaliya ee Carabta ah ee heshiis nabadeed la galay Israel, waxaana bilihii lasoo dhaafay dalka Urdun ka jiray kacdoon markii hore ka dhashay Sicir bararka dalkaasi ka jira oo saameyn weyn ku yeeshay xukuumadaasi.

Go’aanka Boqorka Urdun ayaa lagu soo beegay xili shacabka Urdun ay si weyn uga careysan yihiin gabood-falada Israel kasii wado dhulka ay heysato ee Falastiin.

Dhinaca kale Boqorka Urdun ayaa la sheegay in muddooyinkii danbe uu cadaadis ka heystay Boqortooyada Sacuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salman oo ku cadaadinayey dowladaasi inay aqbasho heshiis Carbeed oo dhexmara Israel iyo dalalka jaarka la ah oo ay qeyb ka ahayd go’aankii Trump ugu aqoonsaday Qudus caasimada Israel.

Trump iyo wiilka uu Sodoga u yahay Jared Kushner oo saxiixbo dhaw ka dhigtay Maxamed Bin Salman ayaa qorsheenayey inay dhawaan ku dhawaaqaan waxa ay ugu yeereen “Heshiiska Qarniga” oo lagu xalinayo mushkilada ka taagan dhulka la heysto ee Falastiin, qorshahaasi oo ay horey u diideen Falastiiniyiinta ayaa hada u muuqda mid qar kasii laa-laada kadib fadeexadii ka dhalatay dilkii Jamal Khashoggi oo loo heysto Maxamed Bin Salman oo isagu fure u ah qorshaha dowlada Trump ka damacsan tahay bariga-dhexe.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top