Connect with us

somalilandtoday.com

Dagaal Beeleed Saaka Dib Uga Bilaamay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool

focus

Dagaal Beeleed Saaka Dib Uga Bilaamay Deegaanka Dhumay Ee Gobolka Sool

(SLT-Laascaanood)-Dagaal beeleed ayaa waxa uu saaka dib uga bilaamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Ma jiraan wali cid s rasmi ah oo xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dagaalkan balse balse warar hoose oo aanu helnay ayaa waxa ay sheegayaan inay khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba leh.

Beelahan ayaa maalmihii la soo dhaafay heshiis lagu dhex-dhigay magaalada Laascaanood si loo soo af-jaro colaad nafo badan galaafatay oo labada Beelood dhexmartay iyada xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibaddu dadaal badan ku bixisay sidii loo soo afjari lahaa colaadan.

Wararka waxa ay sheegayaan in uu wali socdo dagaalkan u dhexeeya labada beelood ee wada dega deegaanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top