Safarka Boqorka iyo isimada kale ee la socda ayaa salka ku haya sidii ay u darsi lahayeen xal u helida dhacdadii uu ku geeriyooday allaha u raxmadee Suldaan xasan Cali Jibriil oo in mudo ah ay ku guda jireen saladiinta dhaqan, Culima-udiinka iyo waxgarad kale oo Gobolka kazoo jeeda, balse aan wali lasoo afmeerin.
Waftiga Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu wadaa inay u kuur galaan halka ay maray xaajadan oo ay kazoo shaqeyeen waxgarad kala duwan, iyadoo ay warbixin kasiin doonaan gudigii horey gacanta ugu hayey, waxaa rajo fiican laga qabaa in si isfaham iyo wanaag ku dhehan uu kusoo gabagabeeyo Boqor Burhaan oo kashanaya isimada kale iyo labada qoys ee arintu dhaxtaal.