(SLT-Ankara)-Sida ay ku soo warramayaan Warbaahinta waddanka Turkigu dad fara badan oo ku tukan jiray masaajid weyn oo ka mid ah masaajidda ugu waaweyn ee dalka Turkiga ayaa mar kali ah dhawaan lagu war helay in ay muddo ka badan 37 sannadood oo masaajidkaasi dhisnaa ay u tukan jireen Jiho khalad ah oo aan ahayn tii saxda ahayd waxaana arrinkaasi soo saaray oo ogaaday Imaam cusub oo dhawaan la wareegay Imaamnimada iyo Masuuliyadda Masjidkaasi oo dadka u sheegay in ay muddoda intaasi le’eg u tukan jireen jiho khalad ah oo aan ahayn Jihadii ay ku beegnayd Kabcada Barakaysani.

Sida uu ku soo warramayo Wargeyska Daily Sabah Masaajidkaasi oo ku yaalla deegaanka Sogurin ee Gobolka Yaluva ee Galbeedka dalka Turkiga ayaa ugu dambayn la ogaaday in aanu uba jihaysnayn jihada dadka Muslimiinta ahi u tukadaan ee Kacbada Barakaysan ee Makka Al Mukarama in badan oo dadka qaarkii ay ku doodi jireen in aanu masaajidkaasi jihada saxda ah ee loo tukado u jeedin balse laga hoos qaadi waayay in ugu dambayn nin Imaam looga soo dhigay masaajidkaasi oo cusubi uu soo saaray khaladkaasi oo uu shaaciyey kuna baaqay in wax laga qabto. “Tan macnaheedu waxa weeyi in dadka Masaajidkan ku tukan jiray ay u jihaysan jireen dhinac kale oo khalad ah oo aan ahayn halkii ay ka xigtay Kabcada Barakaysan ee Masaajidka Xaramku oo ah halka ay dadka Muslimiinta ahi meel kasta oo ay adduunka ka joogan u jihaystaan marka ay salaadda tukanayaan. Waxa uu masaajidka mixraabkiisu u janjeedhaa dhinac kale oo aan ahayn dhinaca jihada masaafo dhan 33 Darajo” ayaa lagu yidhi warbixintan uu daabacay wargeyska Daily Sabah.
Warbixintani waxa ay intaasi ku daraysaa in Imaam Ciise Maya oo sannadkii hore loo soo magacaabay Imaamnimada Masaajidkani uu arrinkan caddeeyey kadib markii in muddo ah dadku isla dhex mari jireen arrinkan kaasi oo ku dhawaaqay in dib loo jihayn doono masaajidka qaabkiisana lagu beegi doono dhinaca jihada. Waxaanu ku dahwaaqay in gabi ahaanba Gidaarka wajahadda iyo midka dhinaca midigba ay duminayaan kadibna dib u qaabaynayaan oo ay waafajin doonaan dhinaca jihada Kabcadu ka xigto deegaankaasi.
Dad waayeel ah oo masaajidkan ku tukada ayaa wargeyska u sheegay in Mixraabka masajidkaasi si khalad ah u samaysnaa oo dhinac aan sax ahayn u jeeday tan iyo markii masaajidkaasi la dhisay sannadkii 1980-kii, muddoda intaasi le’egna mar walba dadka qaar sheegi jireen in masaajidku jiho aan sax ahayn u jeedo balse aan wax go’aan ah laga qaadan ugu dambayna Imaam Ciisa Maya uu go’aansaday in uu dhismaha masaajidkan wax ka baddal ku sameeyo oo uu u diro koox injineero ah oo wakhtigan baddalkiisa gacanta ku haya.