Connect with us

somalilandtoday.com

Macallimiin Xalay Fiidkii Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

focus

Macallimiin Xalay Fiidkii Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Labo Macalin oo mid ka mid ah uu ahaa Maamule ayaa xalay fiidkii lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Huriwaa, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.


Wararka ayaa sheegaya in labada Macallin la dilay lagu kala magacaabi jiray Sayid Maxamed Xasan iyo Maxamed Maxamuud Xasan.

Macalimiintan ayaa ka mid ahaa maamulka Iskuulka Al Furaat ee degmada Yaaqshiid, waxaana la sheegay in kooxihii dilka geystay ay horay u qaateen Computero iyo Mobile ay wateen.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilkan, waxaana uu qeyb ka yahay dilalka ujeedooyinka badan leh ee ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top