Nin waliba wuxuu kayd-saduu, koob ka dhamayaaye, waa adigaa kab xidhan waayey, oo soo kuduud-sataye, kada-loobka waxa kuugu wacan, waa kas xumidaaye, ummaddii ku karah-doo dhamaan, guure kuli-goode, inba gees u kace, kaana dayriya’e, imikaad kurbanaysaa siddii neef, aar ku soo kacaye, ka laalaabo waxa kuu hadhsani, kaama sii foga’e, kadin-kaaga bay timi, maalintii ay ku xidhaq-yeene, ka sii buux-sadaay jeebebe-kiyo, kiishashkoo idil-ba, dhawaan waanu kaa soo af-qaban, ood ciil la kawsaniye. intaa yar ee afaraydda ah dabadeed, nabsigu waa daruuraa cirka iyo iyo sidda dabayshaase, oo miridh-kiiba is-bedelaya’e, Rabbi waa caadil, oo dushaas buu kaa eegayaa,
isagaana ku abuurtay, oo og waxa uur-kaaga ku jira og, abaal marin-teeda-na aan cid kale loo daba fadhii-sanayn. qofkii dhiba ama xukuumaddii iyo kooxddii ku tacadidda xilka ay u hayso ummadda, waa isaga ka-ka soo qabtaa ( Eebbe), isaga oo is mooday tumaal-qoortii cadaatay, maamulka imika ka jira Somaliland-na, waa mid aan u danaynayn shicibka guudka u saaran, ee wuxu uun buu noqday faqiir fadhaq booday, markii xoolo aanu lahayn gacanta laga saray, ee la yidhi maamul.
Kulmiyaw dhan-kaagaa faqrigu, nooga soo dhacaye, dhaliilaha adaa keensadoo, xoogna noo dhibaye, dhalin-yaradu may qabteen, badaha dhaadheer, dhun-dhun iyo waxay xoog hayaan, lama dhaqoo-leene, inta ay dhacmaan may tageen, dhulal shishee-yaade, adiga uun baa keligaa dhergoo, dhaawacaa dhigaye, soo dhawaatay maalintii aydin, dhiiga qubay-seene. waxba hay dhabacan waan aqaan, beenta aad dhuriye. ( IHN) Abwaankii weynaa ee Barkhad-cas, baa wuxu yidhi “Ilaahaw waad ogayd sidaan u ahaa, u sheegay oo eedi ima haysee, aqbli-wayday ereydayddii, ahaatay ibtila-duna awgeed, ee waa in aan ka ordaa itaalkay” Ummadu waa tii ku dooratay Kulmiyaw, ee aad beenta iyo huu-haadda ku soo xero gelisay, adaase ula dhaqmay siddii xukunal-qarqooshkii Mareexaanka ( Wixii ay ku sheegi jireen Somaliya), ee askartu iska maamulan jirtay, inta kalena ay beerka dhulka ku haysay, ee ahaa car juuq dheh, dil, xidh, kala qaybi, oo kolba in la baxa, waa tii aynu qori caaradii ku kicinay, nin baa wuxu ydihi ” Wax walba is idhi ee laba laf-gaabo baad isi saari is maan odhan” wixii ay ummadu ka gilgilatay, baad dib ugu soo celiseen, taas oo ahayd qabyaalad, aan keligay dhergo, inta kalena cabudhi.
Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye, adiguba caqlaad leedahee carar maxaa dhaama? Askar-yahay, in yar buu u saaran yahay isaga laf-tiisu, in uu ka daba tago af-la-haarkii. Waxa hubaal in uu askarigu labadda dhaban haystay ilaa beryahan, ka dib markii uu warkii xaafadaha uu maqalay, ee xaafad kastaa tidhi ma bixinayno Cashuur, ee uu war-baahinta galay, warar xogogaal ah baa odhanaaya, markii loo sheegay wuu kacaa-fadhiistay, oo dhidid dhafooradda ka soo booday, una direy askariga kale ee Ina Kaahin telefoon, oo ku yidhi deg-deg ii soo gaadh, wax-ba garan maayo’e. Nin baa wuxu yidhi ” faraska aan fuulaayo sansaan-kiisa baan gartaaye, haddii uu yahay mid naf leh iyo haduu yahay mid hagaaf ahba”, oo aan la isku halayn karin, sidaas awgeed Kulmiye, waa la isla arkay, in uu karkaarka wadaartay, oo wadaamihii ay ceel laba iyo toban baac ah kaga dhaceen, caynkii iyo baydiiba ay u go’een, garab rarato yahay, siddii qaalin layliya uu kelyaha ka boodaayo, oo aanay wax u hadhsani jirin, derbi walba uu ka soo go’ay, kabna uu lulaayo midna laalaadi-naayo, cagaag iyo dur-xumo u dhamaatay, gacmaha laga taagtay, oo uu ku go’doomay bankii giriyaad.
Waxa daliil cad ah, oo aanu qof-na caad kaaga daahnayn muwaadin, murana kaga jirin, madma-dawna aan lahayn, in kulmiye diyaar u tahay xabaashiisii uu sii qotay, iyaba waa mucjiso’e. Riyo haday dib leeyihiin, dabadoodda bay ku qarsan lahaayeen, wuxuu buu xeerin lahaa, ma qof baan arkayn inta gaar ah ee isha lagu hayo, loona adeegsanaayo Ciidanka 99% ka soo jeedda Jeegaanta, iyo Komishanka , markii hore-ba ay ku soo xusheen sidaas, oo u ahaa daba-dhilifyo, aan rabbi iyo rag mid-na aqoon, waxan ku soo dabray- maqaalkan mucaaridka wadda xidha, dalka booba, oo u dhaxal wareejiya wadano kale, bal aan eegno halka ay ku dambayso ee ay caga dhigato’e.
N.B Qof Is gawracay Isna wax ku la’
Qore:- Abdi-shotaly
ashotaly5@gmail.com