Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda La Hadlaya Saxaafadda Iyo Arrimaha La Filayo In Uu Ka Hadlo.

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadda La Hadlaya Saxaafadda Iyo Arrimaha La Filayo In Uu Ka Hadlo.

(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta kala duwan ee ka hawl-gasha magaalada Hargeysa ayaa waxa goor dhawayd loogu yeedhay xarunta Madaxtooyadda waxa la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la hadlai doono saxaafadda.

Waa markii saddexaad ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu la hadlo warbaahinta tan iyo markii la doortay oo noqonaysa 10 bilood ka hor.

Haddaba waa maxay arrimaha la filayo in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlo:

  1. Colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo Maamulka Puntland ee ka taagan deegaanka Tuke-raq iyada oo ay korodhay faro-galinta uu Maamulka Puntland ku hayo dhulka Somaliland gaar ahaan gobollada bariga.

  2. Waxqabad la’aanta ay shacabku ka tirsanayaa golaha deegaanka Hargeysa, iyada oo uu Muran ka taagan caasimadda Hargeysa, waxaana saddex degmo ay doorto maayir iyo ku-xigeenka taasi ay xukuumadda xabsiga u taxaabtay.

  3. Khilaaf ka taagan doorashooyinka iyada oo uu burburay wada-hadal u dhexeeyay saddexda xisbi qaran iyo walaac laga muujiyay in dib u dhac ku yimaado doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo muddo dhaafay.

  4. Sicir-bararka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland.

  5. Xarunta madaxtooyadda iyo Baarlamaanka Somaliland oo la sheegay in la rarayo.

  6. Siyaadda arrimaha dibadda Somaliland oo dad badan dhaliilayaan

  7. Jabhadda kornayl Siciid Cawil Caarre.

  8. Wada-hallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo wakhtiga dib loo bilaabayo.

  9. Isbedelka geeska afrika iyo sababta ay Itoobiya uga soo qayb-gali way ballaadhinta dekedda Berbera.

  10. Xiisadda ka taagan Sucuudiga

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top