Connect with us

somalilandtoday.com

Hargeysa: Ma Dhawr Duq Ayaa Deeqa Mise Maayar Bulshada Dhegaysta? … Siciid Maxamuud Gahayr

Articles

Hargeysa: Ma Dhawr Duq Ayaa Deeqa Mise Maayar Bulshada Dhegaysta? … Siciid Maxamuud Gahayr

Sharci ahaan, magaalada Hargeysa waa degmo, mana aha gobol. Sidaas awgeed malaha degmooyin, waxa ay leedahay waaxyo. Marka xeerka caasimadda ee golaha wakiillada ku rafanaya la ansixiyo ayay noqonaysaa gobol yeesha degmooyin. Waxa maalmahan soo kordhaya tabashada ay qaar ka mid ah waaxyaha Hargeysa ka muujiyeen Golaha Deegaanka iyo Duqa Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Walaw ay tahay magaala-madaxdii qaranka oo ay ku nool yihiin dad ka soo kala jeeda dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalku, waxa ku wada nool oo caanaha iyo dhuxusha keena dad xigaal, xidid iyo ehel ah. Waa dad ku wada noolaa qarniyo oo

aan geeri mooyaane geeddi ku kala tegaynnin. Waxa habboonayd in laga shaqeeyo isu-dhawayntooda, walaalayntooda iyo midnimadooda. Fal kasta oo sii kala faquuqi kara waa aan ka soo horjeedaa.
Tusaale ahaan markii ay shacabka Axmed-Dhagax iyo 31ka Mey ay dhisteen waddada, waxa ay ka biyo-diideen in aan rabitaankooda la tixgelin. Md Soltelko Duqa Caasimadda Hargeysa waxa uu ku hanjabay in uu laamaha amniga ka dacweeyo Sheekh Mubaarig, weliba warbaahinta ayuu gooddigaas mariyay. Anigu haddii aan kursigiisa fadhiyo waxa aan odhan lahaa “Dhaliisha waan qaadanayaa. Tabashada waan soo dhawaynayaa. Arrinkaana si buuxda ayaan wax uga qabanayaa. Caano jiilaal canba can dareen, xaafadaha aad ii tuhmaysaan qudhoodu waxba idinma dheera. Weliba waan idinku bogaadinayaa waxa aad iskiin u qabateen.”. Gogol ayaan fidin lahaa, in miiska wada-hadalka lagu kulmo oo arrinka waanwaan lagu dabbaalo ayaan af iyo addinba uga hawl-geli lahaa aniga oo kaashanaya indheer-garadka ummaddaa cid kasta oo ay yihiin.

Hadalka kakan ee Duqa Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu sababay in la sii qaado tallaabooyin ka mid tahay in lagu dhawaaqay cashuur-joojin, samaynta maayarro cusub oo waaxyaha Hargeysa qaarkood yeeshaan iyo la sii faqo gaabiska lagaga cawday dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxa aan qirayaa in masuuliyadda saaran Maayarka Hargeysa ay ballaadhan tahay. Magaaladuna waxa ay maanta ku dhawdahay inay noqoto 40% deegaanka dalka. Weliba hawsheeda waxa lagu qiyaasay inay tahay 60% marka loo eego masuuliyadda saaran. Jagadaas culus iyo bahda hoggaamisa caasimadda oo dhallinyaro ah awgeed, waa ay kartaa gol-daloolo. Adduunkana qof 100% dhammaystirani ma jiro.

Ma jecli in aan qof ahaan u jawaabo dadka tabashada gudbinaya oo ah muwaaddiniin xaq u leh inay dareenkooda cabbiraan. Waxa taas ka warcelin doona bahda dawladda hoose ee Hargeysa. Laakiin waxa uu xilka ugu culusi saaran yahay 25ka xildhibaan ee Golaha Deegaanka Hargeysa, iyaga ayay tahay inay qanciyaan bulshada caleema-saartay meel kasta oo ay ku nool yihiin.

Anigu qof ayaan ahay, in la ii kala qaado Hargeysa ma jecli. Haddii magaalada gudaheeda laga sameeyo soohdin-beenaad, sidee ayaa qaran loo midayn karayaa?. Khilaafka, maandhaafka iyo kala-duwanaanta aragtidu, waa qayb nolosha aadamaha ka mid ah. Waxa aan leeyahay Hargeysi uma baahna dhawr maayar, waxa ay u baahan tahay maayar gurgurshe ah oo sida gaadiidka guudkiisa ku qaada gabanka, gadh-caddaha, gabdhaha, guurtida iyo guud ahaan ummadda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top