Connect with us

somalilandtoday.com

Bal Maanta Qalnikayga Aan Ku Liishaamo kuwo Xaalkoodu Yahay Dawladnimo iyo Cambaro Madaw Kala War L’a.

Articles

Bal Maanta Qalnikayga Aan Ku Liishaamo kuwo Xaalkoodu Yahay Dawladnimo iyo Cambaro Madaw Kala War L’a.

Aan Shiish-ka Ka yara Leexiyo Xukuumadda M/weyne Muse.

Waa laba kooxood; kooxi waa Colonel Caarre iyo xertiisa, koox kalena waa kuwa ku dhawaaqay Maayar cusub iyo wax noocaas ah.

Dawldnimada casriga ah, gaar ahaan tan la is doorto, ee xorriyatal qawlkuna yahay mid la damaanad qaaday; waa xaaraan in aad qori ku soo fiiqdo dawladda; haddii Maraykan ama Japan, oo ah dawladaha ugu dimuqraadisan aad qori soo qaadato,adigoo cabasho siyaasadeed qaba, adiga iyo kooxdaadaba waa la idin waayayaa; I mean it, Wallahi, litterally; ciidanka waddanka oo dhan baa lagugu dalbanayaa; WAA KHAD CAS; danbi ahaana waa HIGH TREASON; danbiga danbiyad u wayn ee laga

galo Qaran. Waxa isaguna danbi ku jira qofka ciseeya ama u boga ama muujiya inuu niyadda kala jiro; waxa la yidhaa danbiyaa Glorifying High Treason; iska daa qofka fan gareeya; ama qaadhaan u ururiya.
Dhinaca kale, waxan maqlayay nin ku dhawaaqay Mayor baan ahay; si kasta oo aad u cabanayso, ama ay u liitaan maamulka dawladdu ama ha ahaato mid hoose ama mid dhexe; waa KHAD CAS in aad ku dhawaaaqdo oo aad sheegato Mayor ama M/eyne; waa danbi wayn oo gaadhsiisan illa Qaran Dumis.

Dee, haddaba walaalayaan, waa in dadka ugu dhaw dadkaas, ee aqoonta u leh dawladnimadu; waa in ay wax u sheegaan; oo ay dhaqso u joojiyaan waxaas ay wadaan; waxa jira waxyaalo aan kaftan galin; sida kaliya ee sad siyaasadeed oo kaa maqan ama xil aad u doonaan kartaa, ee xalaasha ahi waa adigoo mara si silmi ah doorooshooyin iyo ina aad isticmaasho xorriyatal qawlka fiican ee aynu haysano.

Talaw ma iska noqdaa macallin dadka bara dawladnimada!!!

Cabdo, u dha-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top