Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Kuma Ninka Jarjaray Meydka Wariye Khashoggi, Kooxdii La Socotayna Ku Amray In Ay Muusig Dhagaystaan + Xogtii Ugu Dambaysay Ee Sirdoonnada Turkiga Iyo USA

focus

Waa Kuma Ninka Jarjaray Meydka Wariye Khashoggi, Kooxdii La Socotayna Ku Amray In Ay Muusig Dhagaystaan + Xogtii Ugu Dambaysay Ee Sirdoonnada Turkiga Iyo USA

(SLT-Hargeysa)-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya baadhitaanka lagu wado kiiskii Wariyihii reer Sacuudi ee lagu waayay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan xogo argagax leh oo baadhitaanka ka soo baxay. Telefishanka Aljazeera ayaa shalay shaaciyey xogo cusub oo uu ka helay sirdoonka Turkiga kuwaasi oo sheegaya in wariye Jamaal Khashoggi markii uu u galay xafiiska qunsulka Sucuudiga ee uu kursiga fadhiistay in ay laba nin ku soo baxeen kuwaasi oo wajigu u qarsoon yahay isna uu isku dayay in uu is difaaco balse isla markiiba ay meel ku beegan garabka iyo qoorta dhexdooda kaga mudeen irbad suuxiso ah oo sun ah kadibna ay sidaa ku dileen isaga oo dilkiisu qaatay muddo 7-daqiiqo ah oo kali ah.

Xogtani waxa ay tibaaxaysaa sidoo kale in Dr. Salaax Al-Dubayqi oo ah Dhakhtar qaabilsan Caafiimaadka sharciga oo ka tirsan ciidanka ammaanka Sucuudiga, sidoo kalena la socday 15-kii nine e hawlgalka khaarajinta ah Turkiga u yimid uu yahay in googooyay xubnaha maydka Jamaal Khashoggi mudadii uu hawlgalkaasi ku jirayna xubnaha kale ku amray in ay muusig dhagaystaan inta uu Muusig u shiday qolalka kale.
Xogaha kale ee aanu qaddiyadda ninkan ka helaynaa waxa ay tibaaxayaan in uu habeen hore garoonka Atatürk ee magaalada Istanbul ka dhoofay Qunsulkii Guud ee Sacuudiga u fadhiyay Isntabul Maxamed al-Cuteybi. Al-Cuteybi lama arag tan iyo markii ay soo baxday fadeexadda dilka wariye Jamaal Khashoggi 2dii bishan. Sirdoonka Turkidu ma aanay qaban, maadaama uu heysto xasaanadda diblomaasiyadeed. Wuxuuna raacay dayuurad gacansi oo ku jeeday Riyadh.

Ka hor intii aanu duulin ayey booliska baadhayaasha Turkigu galeen gurigii uu Isntabul ka degganaa al-Cuteybi, waxayna ka soo saareen albaab weyn oo beerta guriga ku dhex taalla laga geli jiray. Baadhayaasha aya daneynaya in albaabka ay mariyaan sheybaadhka si ay uga raadiyaan hadhaa caddeyn u noqon kara halka uu ku danbeeyay meydka wariye Jamaal Khashoggi.

ERDOGAN OO HADLAY

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa saxaafadda la hadlay si uu xaaladihii ugu dambeeyay kiiska dilka wariyaha uga warbixiyo. Waxyaabaha Erdoğan shaaciyay waxaa ka mid ah;-Dhismaha Qunsuliyadda waxaa lagu sameeyay dib u rinjiyeyn, gaar ahaan dabaqa labaad ee dhismaha lixda dabaq ka kooban oo ah halka lagu dilay wariyaha, kaddibna hilbihiisa lagu jarjaray. Rinjiga loo adeegsaday gidaarrada/derbiyada Qunsuliyadda waxaa ku jira kiimiko awood badan oo loola jeeday in lagu raadtiro dembiga dilka wariyaha. Derbiyada qaarkood iyo sagxadda qolalka waa la xoqay, kaddibna la maydhay. Shaqaalaha nadaafadda ayaa iyaguna wada maydhay dhamman dhismaha Qunsuliyadda si loo baabi’iyo gabbood falka meesha ka dhacay oo aan loo arag wax raadad ah oo la baadhi karo. Sababta Sacuudiyiintu muddada toddobaadka ah u diidanaayeen in Qunsuliyadooda la baadho ayaa ahayd inay doonayeen in dhammaan caddeymaha la tirtiro.

AQOONSIYADA KUWII DILKA FULIYAY

Shaqo adag ayey qabteen sirdoonka Turkgu, oo wada shaqeyn ka heley sirdoonnada kale sida UK iyo USA. Waxaa markii ugu horreysay la shaaciyey magacyada iyo baasaboorrada qaar ka mid ah 15-kii nin ee falka dilka geystay. Waxaana ku jira nin professor ka ah Jaamacadda Naif Arab University ee Sacuudiga, isla markaana ka soo shaqeeyay mashaariic dhanka Xajka ah.

MAGACYADA:

1- Saalax Maxamed al Tubeyqi: waa 47 jir. Waa macallin Jaamacadda Naif Arab University wax ka dhiga waxaanu ka dhigaa Culuumta Ammaanka, wuxuuna aad ugu dhow yahay qoyska Boqortooyada Sacuudiga iyo sirdoonka Sacuudiga. Al Tubeyqi wuxuu ku takhasusay baadhitaanka iyo abla-ablaynta raadadka fal-demiyeedyada. Wuxuu ka soo shaqeeyay Beytka Alle ee Xaramka ee Maka al-Mukarrama. Waa ninkii sannadkii 2014 sameeyay sheybaadh weyn oo ku kacay 2.5 milyan doolar oo lagaga hortagayo cuddurada faafa si loogu isticmaalo waqtiga Xajka. Markii uu dilka wariyuhu dhacay ee ay kooxdii kale safreen, Professor al Tubeyqi wuxuu Istanbul sii joogay sagaal (9) saacadood oo kale si uu u dhameystiro shaqadiisa oo ahayd inuu raad-tiro isla markaana baabi’iyo dhammaan cadeymaha dilka Khashoggi. Waxaa la aaminsan yahay inuu isagu ahaa qofkii ka dambeeyay dib u rijinyeynta Qunsuliyadda.

2- Maxamed Sacad al-Zahrani. Waa xubin ka mid ah askarta Ilaalada Boqortooyada (Royal Guard). Al Zahrani waxaa dhowr jeer lagu arkay shaashadaha telefishannada isagoo dhinac taagan Dhaxal-sugaha Boqorka ahna wiilka Boqorka Maxamed bin Salmaan oo booqanaya dhowr goobood oo gudaha Sacuudiga ah.

3- Maahir Cabdicasiis Mutreb: Muddo hadda laga joogo 10 sanno wuxuu ahaa Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sacuudigu ku leeyahay London. Waxaa magaciisa xaqiijiyey Waaxda Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo heysa liiska diblomaasiyiinta dalkeeda yimaadda. Magaca Mutreb waxaa markii ugu horreysay laga dhex heley liis emailo la soo xaday oo ay faafisay shabakadda Wikileaks 2011-kii. Waxaana emailadaasi ku jirtay in Metreb ay Sirdoonka Sacuudiga u direen koorso sare oo waxbarasho dhanka amniga ah uuna ku soo qaatay Talyaaniga. Maahir wuxuu dhowr jeer safarro u raacay ina boqorka Maxamed bin Salmaan mar uu booqashooyin kala xilli duwan uu ku tegey Madrid, Paris, Houston, Boston iyo xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

4- Naif Xasan S. Al Carifi. Waa shaqaale ka shaqeeya xafiiska Maxamed Bin Salman. Waxaa kaloo la sheegay inuu mar ka shaqeeyay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC.

5- Seyf Sacad Q. Al Qahdhani: Waa xubin ka shaqeeya xafiiska ina Boqorka Maxamed bin Salmaan. Wuxuu kaloo ka shaqeeyay sirdoonka Sacuudiga, isagoo marna joogay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC. Barta uu ku leeyahay Facebook iyo barta kale ee MenoM3ay ayaa lagu arkay sawirro uu soo dhigay isagoo isku sheegaya inuu yahay “Wajiga Boqortooyada iyo difaacaha Boqorka”.

6- Khalid Al Cuteybi: Waa sarkaal nabsdsugid oo aad ugu dhow ina Boqorka Maxamed bin Salmaan, waana nin uu aad ugu kalsoon yahay. Sirdoonka USA ayaa caddeeyay in markii Maxamed bin Salmaan uu booqday Mareykanka bishii Maarij 2018 wuxuu Al Cuteybi ka soo horreeyay ina Boqor saddex maalmood. Sirdoonka Turkigu waxay sheegeen in Al Cuteybi uu ku jiray kooxdii 15-ka ahayd ee arroornimadii Salaasadii 2dii October ka soo degay garoonka Istanbul halkaasna laga heley farihiisa iyo baasaboorkiisa. Dowladda Sacuudigu waxay markii hore dadkan oo dhan ku sheegtay dalxiisayaal tamashle u tagay Istanbul. Laakiin hadda warar laga heley sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Boqortooyada Riyadh isku diyaarineyso qirashada dilka wariye Jamaal Khashoggi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top