Connect with us

somalilandtoday.com

Taariikhddii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).

Articles

Taariikhddii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).

Waxan ugu horeysii-nayaa ( Jebinta jeelka mandheera), waxa ka qayb ahaa Mujaahid Cabdiraxmaan Maxamed Case, oo hadda jooga London, Telefoon:- 0770802234, iyo Mujaahid Duuliye Xayd oo joogqa Manchester, telefoon:- 07946633565, kana arag-teen Tv-Home Cable, Barnaamijka Xusuus Reeb ee uu Daadihiyo Mudane Ducaale, iyo illaah ha u naxariisto’e Mujaahid Sumuni oo isaga tii alle ku timi, hadaba, Labadda mujaahid ee nool, ee sare ku qorani Mujaahid Xayd iyo Mujahaid Abbdiraxmaan Maxamed Case, waxay iigu balan-qaadeen, in ay isu tagaan, oo ay si wadda jir ah, u soo wadda qoraan, siddii ay u dhacday Jebintii Jeelka Mandheera, marka uu soo dhamaado-na haddii alle yidhaaho aan idiin

ku soo gudbin doono halkan, ee sidaas ula socdda, kuna soo dhawaadda, qaybtii Mujaahid lixle ee Jiebinta Jeelka Mandheera, taas oo uu isagu hogaami-naayey:-

* Jebintii Xabsigii Dhexe Ee Mandheera, oo ay maalin Isniin ahayd, tirsadka taariikhduna, ay ahayd 03/01/1993, wakhti goor dambe ah, oo habeenka badhkii tegay, inta ay isu daruuri-yeen, isaga iyo ciidankii la socday ee uu soo xushay, boodhka kaga hurgu-feen injirtii meesha haysatay, ka dibna ay kala baxeen 11 oday oo lagu haystay jeelka, isla markaana laga sii daayey in ka badan 700 oo maxbuus ( sida uu ii sheegay Duuliye Xayd), wixii ay hub yar-yar ay qaadan karayeena la baqooleen, halkaas oo laba oday oo socon kari waayey, ay jeelkii dib ugu soo noqdeen, sagaalkii kalena ay cidhibta ku dhufteen ilaa iyo ay ka gudbeen xadkii, magacyada 11ka oday ee ay kaxays-teen waa kuwan hoos ku qoran:-

(1) Aadan Maxamed Siraad ( H.Yoonis),
(2) Aadan Maxamed ( Aadan Ruush, Sacad Muuse),
(3) Axmed Maxamed Rasheed (H.Yoonis),
(4) Cabdiraxmaan (Ma hayno magaciisa kale) Ciise Muuse),
(5) Ismaaciil Xaaji Cabdi ( H.Yoomis),
(6) Cumar Gaab ( H.Yoonis),
(7) Yuusuf Dhega weyne (Ciise Muuse),
(8) Sheekh Axmed ( Isaxaaq H.Yoonis),
(9) Maxamuud Cilmi Cawl ( H.Yoonis),
(10) Cumar Hadraawi (H.Yoonis),
(11) Caaqil Maxamed Xaruuri ( Sacad Muuse).

* Labadda oday ee ugu dambeeya, ee Cumar Hadraawi iyo Caaqil Maxamed Xaruuri, way xanuun-sanayeen, oo way u socon waayeen, sidaas awgeed way ka tageen, oo waxay dib ugu noqdeen Mandheera, sababta ay uga tageena waxay ahayd, iyaga oo aan gaadiid haysan ee ay dhuumaalaysi ku baxayeen, oo aanay qaadi karayn, wadooyinkiina la wadda xidhay, waxayna ka baqeen in lagu soo gaadho inta ay luudinayaan, sidaa ayeyna iyagoo sagaalkii kale wadda uga gudbaan xadka. Halkaas oo ay dhamaantood ku nabad galeen, sagaalkii nin iyo ciidankii soo furtay-ba. Iyaga oo is qaybiyey, oo qaarba meel ka baxeen, waayo waxay ogaayeen in haddii meel lagu wada qabto, in la wadda dili doono, waxay-na sidaa u yeeleen, si qaar uun u badbaadaan, hadiiba qaarkood cadowgu helo. Waxay-na arintaasi ahayd taatiko ciidan ama farsamo ciidan, ilayn waa la is yaqaanaaye, oo nin waliba wuxu yahay waa laga wadda dhereg-sanaaye.

* Marxaladda labaadna waa tan aynu ka hadlayno, ee murugada leh, taas oo ahayd 17/10/1984-kii , markii uu shahiidku ( Alleh ha u naxariisto’e) uu weerar ku qaaday ciidamo uu qalab-koodu u dhan yahay, meesha la yidhaaho Burco-Duurey (agagaarka Lebi-sagaale), halkaas oo markii uu ku dhex dhacay ciidankii deganaa, ay saddex goor isu bedeleen ciidamo Faqash ahi ( Magaca Faqash Isaga baa bixiyey).

Nasiib daro markii cid u soo gurmata la waayey ciidankaa yar ee uu watay, oo la sheegay in aanay boqol dhamayn, tayo ahaana laga heer sareeyey (dhanka hubka), mudo maalin iyo badh ah (36 saacadood ah) markii dagaalkii socday, gurmadkii afraad qaylo-dhaan dirtay, baa lagu wareegay, oo la isku xayn-daabay ama xeeray, halkaa oo uu marxuumku Illaah (sw) denbi-giisa ha dhaafo’e, tii Alleh ugu timi oo uu ku xijaabatay ( muu dhimane).

Lixle wuxu ahaa nin rag ka tegay, dagaal yahan ah, wuxu isku rakibay oo dib u habeeyey hubkii S.N.M oo qaar uu ka bedelay dhuunta, wuxuu caan ku ahaa in uu hubka uu gacanta cadawga ku jira kala soo baxo, oo weliba ku dilo iyaga, inta uu xoog kaga maroor-sado, wuxu ahaa nin aan la quudhayn ILLAAH sw ha u naxariisto’e. Isaga iyo intii inaga shahiidayba u soo duceeya in ILLAAH sw uu denbi-goodda dhaafo -Aamiin. * N.B Wixii Aad Muraadaba, Macbuud Kuugu Roonaa!!
Abdirahman Jama Ahmed
Qore:- Abdi-Shotaly.
ashotaly5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top