Connect with us

somalilandtoday.com

Shan Arrimood Oo Ayna Reer Galbeedka Uga Maarmin Sucuudiga

focus

Shan Arrimood Oo Ayna Reer Galbeedka Uga Maarmin Sucuudiga

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu ciqaab adag marsiin doono Sacuudiga haddii ay ku caddaato iney dileen wariyaha caanka ah ee u dhashay Sacuudiga, Jamaal Khaashoggi oo la waayay xilli uu booqanayay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istambul.

Dowladda Sacuudiga ayaa “been” ku tilmaantay eedeymo ay saraakiil Turki ah u soo jeediyeen oo ku saabsan iney suxufigaas dileen mukhaabaraadka Sacuudiga.

Xukuumadda Riyaadh ayaa sidoo kale wacad ku martay iney jawaab awood badan ka bixin doonto tallaabo kasta oo gardarro ah, oo uga timaada dhinaca waddamada reer galbeedka.

Laakiin maxay yihiin caqabadaha suurta galka ah?

1. Wax soo saarka saliidda iyo qiimaheeda

Dalka Sacuudiga wuxuu leeyahay 18% oo ka mid ah saliidda la xaqiijiyay ee caalamka, wuxuuna bixiyaa saliidda ugu badan ee la gaarsiiyo dunida inteeda kale, sida laga soo xigtay ururka ay ku bahoobeen dalalka shidaalka dhoofiya ee magacooda loo soo gaabiyo (Opec).

Arrintan waxay waddanka ku yaalla khaliijka siineysaa awood uu ku leeyahay caalamka.

Ceelasha shidaalka SucuudigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionCeelasha shidaalka Sucuudiga

Haddii, tusaale ahaan uu Mareykanku ama waddan kale cunaqabateyn ku soo rogo, dalka Sacuudigu wuxuu bixin karaa jawaab ah inuu joojiyo wax soo saarka saliidda, taasoo sababeysa inuu sicir barar ku yimaado qiimaha lagu kala iibsado saliidda adduunka, waa haddii dalalka kale ee saliidda soo saara aysan dusha u ridanin iney booskaas buuxiyaan.

Faallo Axaddii ka baxday Telefishinka Sacuudiga laga leeyahay ee Al Carabiya, ayuu milkiilaha, ahna maamulaha guud ee telefishinkaas ku sheegay in cunaqabateyn la saaro Sacuudiga ay keeni karto “musiibo dhaqaale oo ku habsata caalamka oo idil”.

“Haddii madaxweyne Trump uu ka careysiiyo qiimaha saliidda oo hadda gaaraya $80 doolar oo u dhiganta £61 gini, cidna ma hor istaagi karto inuu qiimahaas sare ugu kaco ilaa $100 doolar ama $200 oo doolar, ama xitaa laba jibaarka qiimahaas” ayuu ku yiri hadal qoraal ah oo ku baxay telefishinka.

Sare u kac walba oo ku yimaada qiimaha ayaa toos u saameynaya dadka isticmaala waxaana isla markiiba laga dareemayaa kaalimaha shidaalka.

2. Qandaraasyada Milatariga

Dowladda Sacuudiga waxay sannadkii 2017-kii lahayd miisaaniyadda saddexaad ee ugu weyn dunida, ee lagu bixiyo dhinaca difaaca iyo ciidamada, sida laga soo xigtay macadka cilmi barista caalamiga ah ee nabadda, oo fadhigiisu yahay magaalada Stockholm.

Sannadkaas wuxuu Sacuudigu la saxiixday Mareykanka qandaraas la xiriira milatariga oo qiimihiisu uu ku kacay lacag dhan $110 bilyan oo doolar oo u dhiganta £84 bilyan oo gini.

Waxaa jirta saadaal ku saabsan in qiimahaas uu gaari karo in ka badan $350 bilyan oo doolar 10 sano gudahood.

.

Heshiiskaas waxay mas’uuliyiinta aqalka cad ku tilmaameen kii ugu lacagta badnaa ee abid soo mara taariikhda dalka Mareykanka.

Dalalka kale ee hubka ka iibiya Sacuudiga waxaa ka mid ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka.

Faallada uu qoray Mr Aldakhil ayuu ku sheegay in haddii cunaqabateyn ay ku fikiraan reer galbeedku ay jawaabta Sacuudigu noqoneyso inuu danihiisa Milatari u weeciyo dhanka Shiinaha iyo Ruushka.

3. Ammaanka iyo argagixisada

Awoodaha reer galbeedku waxay aad uga walaacsanyihiin in Sacuudigu uu door muhiim ah ku leeyahay amniga gobolka bariga dhexe uuna kaalinta ugu weyn ka hayo xakameynta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May ayaa horay u difaacday xiriirka uu waddankeeda la leeyahay Sacuudiga, iyadoo xitaa boqortooyada Khaliijka lagu eedeeyay iney masuul ka tahay dambiyada iyo dagaalka ka aloosan Yemen.

Mrs May ayaa ku adkeysatay in howlgalka Sacuudigu uu sabab u yahay nabad galyada ka jirta waddooyinka dalka Ingiriiska.

Madaxweyne Trump oo 2017-kii ku sugnaa xarunta la dagaalanka argagixisda ee ku taalla magaalada RiyadhLahaanshaha sawirkaAFPImage captionMadaxweyne Trump oo 2017-kii ku sugnaa xarunta la dagaalanka argagixisda ee ku taalla magaalada Riyadh

Boqortooyada Sacuudiga, oo ah goobtii uu ku dhashay islaamka ayaa xubin ka ah isbahaysi caalami ah oo uu hogaamiyo Mareykanka, kaasoo dagaal joogto ah kula jira kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ah ee Daacish.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa sannadkii la soo dhaafay sameeyay xulafo ka kooban 40 waddan oo Muslim ah, kuwaasoo la dagaallamaya kooxaha loogu yeero argagixisada.

Mr Aldakhil ayaa faalladiisa ku xusay in is aaminaadda iyo macluumaad is weydaarsiga ka dhexeeya Sacuudiga iyo Mareykanka ay noqoneyso wax la iska iloobo, haddii ay reer galbeedku isku dayaan iney qaadaan tallaabo jawaab looga bixinayo arrimaha ku saabsan Mr Khaashuqji.

4. Isbahaysiga arrimaha gobolka

Sacuudiga ayaa si dhow ula shaqeeya Mareykanka, si loo yareeyo saameynta dowladda Iiraan ay ku leedahay caalamka.

Xukuumadda Riyadh oo ah dowlad Sunni ah iyo Iiraan oo ah dowlad shiico ah oo awood leh ayaa muddo tobannaan sano ah isku khilaafsan arrimaha la xiriira gobolka bariga dhexe.

Marki la eego Suuriya, Sacuudigu waxay gacan siiyaan kooxaha fallaagada ah ee isku dayaya iney xukunka ka tuuraan madaxweyne Bashaar Al Asad, halka Iiraan oo kaashaneysa Ruushka ay garab istaagto Asad oo dagaal kula jira xoogagga mucaaradka.

Faallada Mr Aldakhil ayaa looga digay in cunaqabateyn lagu soo rogo Sacuudiga ay horseedi karo inuu la saaxiibo Ruushka, ka dibna ay suurta gal tahay inuu heshiis la gaaro Iiraan.

5. Ganacsiga iyo Maalgashiga

Agaasimaha guud ee Telefishinka Al Carabiya ayaa sidoo kale sheegay in shirkadaha laga leeyahay dalka Mareykanka loo diidi karo iney ka macaashaan suuqyada dalka Sacuudiga.

Badeecooyinka Mareykanka ee la geeyo dalka Sacuudiga iyo adeegyada kala duwan waxay sannadkii 2017-kii noqdeen lacag dhan $46 bilyan oo doolar, halka badeecooyinka Sacuudigana ay Mareykanka ka soo xareeyeen $5 bilyan oo dollar.

Waaxda ganacsiga ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in sannadkii 2015-kii uu xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Sacuudiga horseeday iney gudaha Mareykanka ka abuurmaan qiyaastii 165,000 oo shaqo.

Bishii Agoosto, dowladda Sacuudiga waxay joojisay heshiis ganacsi oo ay la sameyn lahayd Canada.

Labada dal ayaa isku xumaaday ka dib markii ay boqortooyada Sucuudiga ka carootay waxa ay ugu yeertay fara gaalin lagu sameeyay madaxbannaanida dowladnimadeeda.

Muranka dublomaasiyadeed ayaa billowday ka dib markii xukuumadda Ottawa ay Riyad ka dalbatay iney sii deyso qof u dooda xuquuqda dadka kale oo u dhashay Canada, kaasoo lagu xiray Sacuudiga.

Boqortooyada Carbeed ayaa arrintaas awgeed ku mamnuucday dhammaan badeecooyinkii looga soo dhoofin jiray dhinaca Canada, waxayna amar ku bixisay iney dalka ku soo noqdaan kumannaan arday Sucuudi ah oo Jaamacadaha Canada ku dhiganayay deeq wax barasho oo ay kharash gareysay dowladda Sacuuda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top