Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Ka Dhacay Gobolka Crimea Oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen

focus

Qarax Ka Dhacay Gobolka Crimea Oo Ay Dad Badan Ku Dhinteen

(SLT-Crimea)-Ugu yaraan 18 qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu qarax ka dhacay machad ku yaalla gobolka Crimea.

Saraakiisha waxay sheegayaan in qarax aanan noociisa la aqoon lagu qarxiyay machadka farsamada ee Kerch ee ku yaalla gobolka uu haysto Ruushka ee Crimea.

Goobta uu maanta qaraxa ka dhacay waxaa ku taalla bunddo u dhexeysay gacanka Peninsula iyo Ruushka.

Sarkaal ka tirsan ciidammada Ruushka ayaa sheegay in qaraxa si ula kac ah loo fuliyay isla markaasna ay ahayd ficil argagaxisnimo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top