Connect with us

somalilandtoday.com

Pakistan Oo Daldashay Nin Gabadh Lix Jir Ah Kusfi Iyo Dil Iskugu Dartay

focus

Pakistan Oo Daldashay Nin Gabadh Lix Jir Ah Kusfi Iyo Dil Iskugu Dartay

(SLT-Pakistan)-Dawladda Pakistan ayaa daldashay nin lagu helay in uu kufsaday ka dibna dilay Zainab Ansari oo lix jir ahayd bishii Janaayo.

Imran Cali oo la xiray markii maydka gabdha laga helay meel qashin qub ah ayaa lagu daldalay Arbacadii xabsiga Kot Lakhpat ee magaalada Lahore, sida ay booliisku sheegeen.

Saynab aabaheed iyo iyo qarabadeeda kale ayaa goob joog ka ahaa meesha lagu dilay.

Dilkii ugu arxannimo darnaa ee carruur loogu gaysto magaalada Kasur ayaa dhaliyay caro aad u ballaaran, mudaaharaadyo ayaana ka dhacay dalka Pakistan oo dhan.

Amin Ansari oo ah Saynab aabaheed ayaa sheegay in uu “hadda qanacsan yahay” mar haddii dunida la dhaafiyay ninkii gabadhiisa dilay.

Indhahayga ayaan ku arkay dilkiisa. Maradii indhaha lagaga duuduubay ayay ka fuureen maydkiisuna soddon daqiiqo ayuu meesha sii yaalay,” ayuu ku yiri saxafiyiinta.

Ansari oo sheegay in Saynab ay 7 sano iyo labo bilood noqon lahayd haddii ay noolaan lahayd ayaa sheegay in uu ka xun yahay in dawladdu aysan telesfishinka ka baahinin daldalaadda ninkan.

Dalab uu Ansari ku doonayay in daldalaadda telefeshinnada laga baahiyo ayay diiday maxkamadda sare ee Lahore.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top