Connect with us

somalilandtoday.com

FADEEXAD: Nin Dilaal Ah Oo Uu Wasiir Sacad Cali Shire Ku Sheegay Wasiir Arrima Dibadda Dalka Ginibisaaw, Lacag Badan-na Ku Soo Kharash Gareeyay Sidii Uu Somaliland U Keeni Lahaa

focus

FADEEXAD: Nin Dilaal Ah Oo Uu Wasiir Sacad Cali Shire Ku Sheegay Wasiir Arrima Dibadda Dalka Ginibisaaw, Lacag Badan-na Ku Soo Kharash Gareeyay Sidii Uu Somaliland U Keeni Lahaa

(SLT-Hargeysa)-Waxa uu Sacad Cali Shire dhawaan dalka keenay nin dilaal ka aha dalka Ginibisaw oo aan wax xil ah ka haynin dawlada dalkaasi ninkaasi oo lacag badan uu wasiir Sacad ku soo kharash gareeyay ayaa lagu sheegay wasiirka arimaha dibada ee dalka Ginibisaaw.

Ninkani kor ku sawirani waa Bubacar Daba, wax xil ahna kama hayo dawlada lagu sheegay in uu yahay wasiirkeedii arimaha dibada ee Ginibisaaw.

Xildhibaan Indho-indho oo sheegay in uu ninkaasi yahay wasiirka arimaha dibada ee Ginibisaaw ayaa mar maanta wax laga waydiiyay xaga uu ka keenay warkaasi waxa laga soo xigtay in uu warkaasi kaga yimid wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire ee la degay wasaaradaasi iyo guud ahaan haybadii ay lahaydba, waxna uu Muuse Biixi sii daawanayaa wasaaradii arimaha dibada oo maalinba maalinta ka sii danbaysa sii degaysa, tanina waa beentii qarniga iyo ku ciyaarida garaadka shicibka iyo diulaynta haybada qaranka

Markii aanu u kuur galnay wasiirka arimaha dibada ee dalka Ginibisaaw waxa la yidhaa João Ribeiro Butiam Có waana ninkani sawirkiisu xaga sare uu yaalo.

Hadal iyo dhamaantii hadii aan wasiir Sacad dalka laga qaban waxa wasaaradaasi inagaga soo bixi doona Goroyo heeryaysan oo lagu sheegi doono wasiirka arimaha dibada ee dal kale ama madaxweynba

Halkani hoosena ka DAAWO xildhibaan Indhoindho oo uu ka muquurtay kamarada wasiir Sacad Cali Shire oo soo dhawaynaaya dilaalka lagu sheegay wasiirka

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top