Connect with us

somalilandtoday.com

Adduunyada inta dal ee ka go’day dal kale waxa ay tiro ahaan gaadhsiisan yihiin 50 waddan…W/Q Maxamed Hagi

Articles

Adduunyada inta dal ee ka go’day dal kale waxa ay tiro ahaan gaadhsiisan yihiin 50 waddan…W/Q Maxamed Hagi

Adduunyada inta dal ee ka go’day dal kale waxa ay tiro ahaan gaadhsiisan yihiin 50 waddan. Dalalka Qaramada Midoobay kuraasta ku leh oo dhan 193 marka boqollay loo qaybiyo 25.9% waa dalal ka dhanbalmay dalal kale oo madaxbannaani sharci ka helay.


Dalalkaa kontomeeyaha ahi ka hor intii aaney madaxbannaanida helin siyaasiyan waa ay ka adkaayeen oo ka tudhtudh roonaayeen dalalkii ay ka baxayeen.

Tusaale

ahaan, Pakistan iyo India muddadii ay isku jireen waxa khaati billaah taagnaa India. Pakistan iyo Bangladesh na Pakistan, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan waxa khadyaan taagneyd Suudaan oo la ga baxayey.
Dhanka kale dalalka weli aan helin madaxbannaani sida Taiwan oo kale iyaga ayaa leh siyaasadda dhiirran ee bilaa ladqabada ah (Aggressive Foreign Policy).
Dalka Shiinuhu isaga ayaa baryootama oo tanaasul walba u sameeya Taiwan, halka Taiwan ay ku jiqsii ku muraadsado goor iyo ayaan – ku jiqsii madax adkaan ah oo ay ku dooneyso helista madaxbannaani sharci, mid diblomaasiyadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale intaba.
Nasiib-darro se 27 kii sano ee Soomaaliya iyo Somaliland dooddu dhex taagneyd xaal waa cakis oo Somaliland ayaa khaati billaahi ka taagan Soomaaliya. Si kale ma aha e, waa liidasho dhanka Somaliland ka timi.
Wax qirasho u baahan ayaa jira waana aragti yaraan dhanka fekerka siyaasiga ah oo ku habsatay cid wal oo u haldoor ah Somaliland; gaar ahaan siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka. Arrintaa shacabka xorta ah ee nabadda iyo horumarka jecel ee reer Somaliland eed kuma leh.
Mohamed Hagi Mohamoud

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top