Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Ka Socda Dowladaha Itoobiya Iyo Eritrea Oo Saaka Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

focus

Wafti Ka Socda Dowladaha Itoobiya Iyo Eritrea Oo Saaka Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay illo kala duwan ayaa xaqiijinaya in wafti ka socda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ay saaka ku waajahan yihiin magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo waftigan ayaa saaka ka socda garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo la xiray qeybo ka mid ah waddooyinka waa weyn ee magaalada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cida hoggaamineysa wafdigan, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea oo isla socda ay saaka imaanayaan magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea ay horudhac u yihiin Madaxda wadamadooda oo la sheegayo inay Muqdisho imaan doonaan.

Tan iyo xalay waxaa aad loo hadal hayay in wafti heer sare ay maanta oo Arbaco ah ku imaanayaan magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxaa la qariyay cida ay yihiin wafdigan.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top