Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay 60 Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab

focus

Mareykanka Oo Sheegay In Uu Duqeyn Ku Dilay 60 Ka Tirsan Ururka Al-Shabaab

(SLT-Muqdisho)-Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa sheegtay in duqayn Maraykanku ka gaystay bartahama Soomaaliya lagu dilay ku dhowaad 60 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Duqayntan ayaa 12-kii bishan waxay ka dhacday degaan ilaa 20km u jira magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Waa markii labaad ee sannadkan diyaaradaha Maraykanka ay duqayn ka gaystaan bartahama Soomaaliya.

Guud ahaan, sannadkan waxa Maraykanku uu ka gaystay Soomaaliya 27 duqaymood.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu dhimashada badneyd ee lala eegto Al-Shabaab muddo sanad ah. Duqeyn dhaacday bishii November ee 2017 ayaa lagu dilay 100 dagaalyahan, sida Mareykanka ay sheegeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top