Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sababta Ay Itoobiya Uga Soo Qeyb-gali Weyday Heshiiskii Saxeexa Ballaadhinta Dekadda Berbera

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaaciyey Sababta Ay Itoobiya Uga Soo Qeyb-gali Weyday Heshiiskii Saxeexa Ballaadhinta Dekadda Berbera

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maqnaashihii dawlada Itoobiya ay ka maqneyd balaadhinta dekada Berbera loogu sameeyey madaxtooyada Somaliland , waxaana uu ku tilmaamay in dawlada Itoobiya ay mashquul ku ahayeen shirkii xisbiga EPRDF.

Wargeyska Addis Fortune ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa oo war bixin dheer ka qoray munaasibadaas ka dhacday madaxtooyada ayaa waxuu sheegay in munaasibadaas oo ay ka qayb galeen madaxweyne Biixi iyo madaxa shirkada Dp World Sultaan Axmed balse aanay ka qeyb galin dawlada Itoobiya oo leh Saamiga saddexaad eemaalgashiga dekada Berbera.

Waxuuna sheegay in munaasibadaas ay goob joog ahayeen madaxweyne Biixi iyo Agaasimaha Dp World , lakiin madaxda Itoobiya ayaan ka qeyb galin munaasibaas

Calanka Itoobiya ayaa uu wargeysku sheegay in uu ka dhex babanaayey madaxtooyada Somaliland oo uu garab yaalay calamada Somaliland iyo Imaaraadka carabta
Madaxweyne Biixi ayaa sida uu wargeysku qoray waxuu sheegay in madaxda Itoobiya mashquul ahaayeen , “Masuulyiinta Itoobiya , gudahooda ayaa ay ku mashquulsanayeen shirweynihii xisbiga talada haya awgii ” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Dad badan ayaa isweydiinayey sababta keentay in Itoobiya ka maqnaato munaasibasaas , Itoobiya ayaa maalgashiga dekada Berbera waxay ku leedahay 19 %

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top