Connect with us

somalilandtoday.com

Tirada Waddamada Laga Mamnuucay Xukunka Dilka, Imisa Dal Ayaa Xukunka Dilka Laga Fuliyaa?

focus

Tirada Waddamada Laga Mamnuucay Xukunka Dilka, Imisa Dal Ayaa Xukunka Dilka Laga Fuliyaa?

(SLT-New York)-Xogahaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa iclaamiyey Maalin u gaar ah ka hortagga xukunka dilka ee heer caalami, isaga oo ammaan u soo jeediyey waddamada joojiyey xukunka dilka in dalalkooda laga fuliyo.

Wuxuuna Mr Guterres sheegay “Ku dhawaad 170 dal in laga mamnuucay xukunka dilka ama ay ku howlan yihiin sidii dalalkooda looga joojin lahaa.” Waxayna waddmada qaar meel mariyeen heshiiyo ay ku joojinayaan fulinta xukunka dilka.

Sida ay sheegtay Hay’adda Amnesty ee xuquuqda aadanaha Caalamiga 2017-kii, iney 172 dal xukunka dilka in la joojiyo sharci ahaan ay u meel mariyeen.

Warbixintu maxay tilmaameysaa?

Warbixin ku saabsan xukunka dilka ee uu Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu bishi September uu ku soo bandhigay shirka golaha ammaanka ee qaramada midoobay ay yeesheen ayaa wuxuu ku sheegay ” “Ku dhawaad 170 dal in laga mamnuucay xukunka dilka ama ay ku howlan yihiin sidi loo joojin lahaa xukunka dilka ama hakiyey muddo 10 sana ah.”

Qaramada Midoobay oo ay xubna ka yihiin 193 dal, waxay warbixintu tilmaameysaa 23 dal oo ka mid ah waddamadaasi in 10-kii sano ee la soo dhaafay ugu yaraan hal dil ay fuliyeen.

Waxayna qaramada midoobay sheegtay tiradaasi iney ka soo xigatay warbixinnada ay ka heshay dowladaha xubinka ka ah ama hay’adaha bulshada rayadka ah ee madaxa bannaan.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Amnesty ayaa waxay leedahay “33 dal oo ka mid ah waddamada xubinka ka ah qaramada midoobay tobanki sano ee ugu dambeysay iney fuliyeen ugu yaraan hal xukun oo dil ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top