Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda Google Oo Barnaamij Waddooyinka Ku Haga Darawallada Mootooyinka Ka Samaysay Dalka Kenya

focus

Shirkadda Google Oo Barnaamij Waddooyinka Ku Haga Darawallada Mootooyinka Ka Samaysay Dalka Kenya

(SLT-Nairobi)-Shirkadda wayn ee dhanka Internetka ee Google ayaa Kenya ka billawday barnaamij waddooyinka ku haga darawallada mootooyinka, waana dalkii koobaad ee Afrikaan ah ee shirkaddu ka hirgaliso hagahaas oo codna weheliyo.

In kabadan hal milyan oo Kenyan ah ayaa mootooyin adeegsada iyaga oo gaadiid ahaan u raaca, alaabooyinkana ku qaata, taas oo ah midda ugu riqiisan ama ay awoodaan, sida lagu sheegay war qoraal ah oo Google ka soo baxay.

Darawallada mootooyinka ee Kenya ayaa hadda awoodi doona in ay tilmaamo ka helaan hagaha mootooyinka iyaga oo wadooyinka iyo marinnada u haboon lagula talin doono,” ayaa intaas lagu sii daray.

Ben Chelule oo ah 24 jir mooto ku wada caasimadda Nairobi ayaa soo dhaweeyay ku dhawaaqitaankaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Hage la’aan dartii ayaan macaamiisha isu waynaa, haddii aysan waddadu magac muuqda lahayn isla markaasna aad aagaas ku cusub tahay waad lumi,” ayuu yiri Chelule.

Google ayaa adeegan oo kale siisa dalal Aasiya ku yaalla sida Hindiya.

Shirkadda Google ayaa twitterka ku soo qortay in ay barnaamijkaas ballaarisay oo Kenya gaarsiisay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top