Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gudaha Dalka Soomaaliya

focus

Millatariga Mareykanka Oo Duqeyn Ka Fuliyay Gudaha Dalka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Mareykanka iyo ciidamada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa weerar cirka ah ka fuliyay gudaha dalka Soomaaliya.

Xiriir ay la sameeyeen dawladda federaalka ee Soomaliya, milatariga Mareykanaka ayaa fuliyay dawr weerar oo dhanka cirka ah, kaasi oo ay ku bartilmaameed sanayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Weerarkaan ugu dambeeyay waxay shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 14-ka Octobar ka fuliyeen Araara, Somaaliya, kaasi oo ay sheegeen in ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waxa ay sheegeen in ay haatan baaritaan ku wadaan in ay jiraan shacab ku wax yeellobay duqeeynta.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyin kasta oo lagu difaacaayo muwaadiniinta Mareykanka ayna cirib tirayaan aragagixisada taasi oo ay la kaashan doonaan ciidamada AMMISOM iyo ciidamada qaranka ee Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top