Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaa Ka Hor Taagan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Articles

Maxaa Ka Hor Taagan Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Guuritidu waxay golaha fadhiday 24sanno,wakiiladuna waxa u socda sannadkii 14aad,golaha degaan kana waxa u socda sannadkii 7aad. Waxaynu ognahay muddada xilka saddexda gole dhamaan inay yahiin 5sanno sida dastuurka ku cad.Halkaa waxa inooga muuqata G/guurtida xulashadii ugu horaysay ee beelaha lagu saleeyay dabadeed inaan doorasho loo qaban intaana loo kordhinaayay uun.G/wakiilada iyana waxa loo kordhiyay 3jeer oo marka ugu danbeeyay ahaa 22 bilood kuna eg 18 march 2019.G/degaanka sidoo kale waxa loo kordhiyay 16bilood oo ku eg 18 march 2019.

Muwaadin,waxa xaqiiqa ah doorashooyinkii aynu soo qabanay inaynaan marnaba waqtigeedii ku qaban sabab kasta ha lagu saleeyee.Taas ayaa markhaati cad ka ah inay daraf yada

xilku ka saaraa doorashooyinku inay jebiyeen qodobada dastuurka ee muddaynaya xilalka golayaasha iyo weliba ta madaxtooyada.
Hadaba,maanta waxa inagu soo fool leh doorashooyinka is-barkan ee Wakiilada iyo degaanka,ahaydna inay qabsoomaan 19 March 2019.Balse xisbiga Waddani ayaa hore u cadeeyay inay kalsoonidii kala noqdeen KDQ ayagoo ku sababeeyay inaanay doorashadii ugu danbaysay dhex ka ahayn,sidaa darteed aanay ka qayb gelayn hadii komishan kani hogaanka u qabtaan.Waxaynu kale oo aynu ognahay wada hadaladii u socday saddexda xisbi qaran inay ku kala kaceen kadib markii labada xisbi mucaarid soo jeediyeen in la kala diro komishanka ama laba xubnood loo kordhiyo xisbiyada mucaaridkaa,xisbul xaakimka kulmiye-na ku gacan saydhay.
Muwaadin,waxa bud dhig u ah kordhinta doorashooyinka ee caadada dalka u noqotay waxa jira saddex nidaam oo aynu is-garab wadno oo ah:

1.Dastuurka iyo wax ka bedelka/kabista xeerka
doorashooyinka Xeer Lr.20/2001-2017.
2.Wada tashi xisbiyada qaranka.
3.Saami qaybsi qabiil ku salaysan.

Tan macnaheeduna waxa weeye la joojiyaana banaan la jiifiyaana banaan.Sidaa darteed doorashooyinku waxay waqtigooda dib ugu dhacaan dastuurka iyo xeerkaba intaynu jiifino oo meel ku dedno ayaynu wada tashi bilawnaa kadib markay mucaaridku ka biyo didaan arrin aanay ku qancin,guurtida iyada hadal keedaba daa,iyada waxaaba curyaamiyay waxa loo bixiyay saami qaybsi,laguna dhici la’yahay habkii loo qaybsan lahaa.Markaa waxa isweydiin mudan maxaynu ugu dhiiran waynay ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka! Maxaynu se muranka u bilawnaa goor ay doorashadu sanka innaga saaran tahay oo muddo gaabani ka hadhsan tahay!

Muwaadin,hadaan intaa halkaa ku dhaafo,komishanka doorashooyinka qaranka(KDQ) waxaynu nidhi waa hay’ad madax baxnaan oo dhex u ah xisbiyada qaranka,una madax banaan hawsha ay u xil saaran yahiin ee qaranka.Waxa hadaba muddooyinkan danbe jiray muran ka dhex taagan xisbiyada qaranka oo dul hoganaya suurta galka qabsoomida doorashooyinka inagu soo fool leh iyo cidii qaban lahayd.Meeshana waxa yaal xeer qeexaya qaabka,tirada iyo muddo xileedka KDQ.Waxa kale oo xeerku ina farayaa hadiiba ay dhacdo in wax laga bedelo xubnaha KDQ habka loo raacayo.

Markay sidaa tahay ee ay waajib ku tahay KDQ ku dhaqanka xeerka,waxa iyana ku waajib ah xisbiyada qaranka ee tartanku ka dhexeeyaa inay tix geliyaan kuna dhaqmaan xeerka.Hadiise xisbi ama 2ba xisbi wax qoon sadaan xaq bay u leeyihiin balse waxa haboon ugu horayn inay soo jeediyaan kuna taliyaan sidii xeerka kaabis ama wax ka bedel loogu samayn lahaa qodobada qaabka iyo tirada xubnaha komishanka qeexaya.Tusaale, waqti ay doorashada muddo ka hadhsan tahay xisbiyadu waa inay soo jeediyaan mar haday cida tartamay-saa iyaga tahay,in tirada xubnaha komishanka laga dhigo 9xubnood oo xisbi waliba 3xubnood keensado,soona jeediyaan qodob qeexaya habkii lagu dhaqmi lahaa hadii ay xisbi ka timaado kalsooni darro komishanka ah.Waa markaynu diyaar u nahay inaynu qabatino ku dhaqanka xeerarka iyo dastuurka, kana gudubno jiifinta dastuurka iyo xeerarka,una baydhno wada tashiga shuruucda baal marsan.
Ugu danbayn komishanka doorashooyinka qaranka waxa ka muuqda gaabis ku habsaday inay bilaabaan hawsha ay u xil saaran yahiin ee qabashada doorashooyinka inagu soo fool leh.Waxay ahayd inay bilaabaan diiwaan gelintii cod bixiyaasha aan qaadan kaadhka cod bixinta,qoristii shaqaalaha iyo goobihii cod bixinta maa daama muddo kooban(4bilood 3todobaad) ka hadhay maalintii loo qoon deeyay inay ku qabsoomaan doorashooyinka G/wakiilada iyo G/degaanka.Mise waxa jira cid madaxa kaga fadhida oo u diidan inay talaabo hore u qaadaan! Waxa waajib ku ah inay hawshooda qabsadaan ama shacabka u soo bandhigaan xadhiga ku dabran ee ay hawshooda u dhaqaajin waayeen.Dib u dhac balaadhan ayaa ku yimi diyaarinta doorashada oo shacabku ka sugaayay,ka darane afka ayay xidheen intii ka danbaysay soo bandhigidii ay shacabka soo gaadh siiyeen inay hayaan kharashaadkii ku bixi lahaa doorashooyinka.
Gabo-gabo,maxaa ka hor taagan komishanka doorashooyinka qaranka hawsha ay u xil saaran yahiin ahna guda galka iyo diyaarinta qabsoomida doorashooyinka ay shacabku ka sugayaan ilayn xeer iyo dastuur ayay kuraasta ugu fadhiyaane.Mise waxay miisaanka saareen soo jeedinta xisbiyada mucaaridka ee qar jajacda ah,baal maarsana dastuurka iyo xeerka doorashooyinka ee kor ku xusan.

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

badmah100@hotmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top