Connect with us

somalilandtoday.com

Garsoore Laalay Dacwad Magac Dil Ah Oo Loo Haystay Madaxweyne Donald Trump

focus

Garsoore Laalay Dacwad Magac Dil Ah Oo Loo Haystay Madaxweyne Donald Trump

(SLT-Washington)-Garsoore Maraykan ah ayaa laalay dacwad sumcad dil ah oo ay madaxweyne Donald Trump u haysatay gabadh aflaanta galmada ah jisha oo la dhoho Stormy Daniels.

Stormy Daniels, oo magaceeda saxda ah uu yahay Stephanie Clifford ayaa sheegtay in ay xiriir galmo la samaysay madaxweyne Trump 2016kii.

Dacwaddan hadda la laalay ayayna maxkamad gaysay ka dib markii uu madaxweynuhu Twitterka ku soo qoray in ay gabadhu abuurtay sheekada ku saabsan in loo hanjabay ka dib markii ay ka hadashay xiriirka ay sheegtay in uu dhexmaray iyo madaxweynaha.

Laakiin xaakimka ayaa go’aamiyay in Twitterkaas uu damaanad ka haysto sharciga First Amendment kaas oo damaanad qaadaya xorriyatul qawlka.

Stormy Daniels ayaa sidoo kale lagu amray in ay bixiso lacagtii Trump kaga baxday dacwaddaas inta ay socotay.

Qareenkeeda ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonto go’aankaas.

Trump ayaa diiday in uu wax xiriir ah la sameeyay atariishadaas.

Stormy Daniels oo waraysi siinaysa telefeshinka CBS News ayaa sannadkan horraantiisii sheegtay in qof aysan aqoonin uu soo qaabilay iyada oo gabadheeda yar la joogta uuna u hanjabay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top