Connect with us

somalilandtoday.com

Degmada Badhan Oo Ka Sii Baxaysa Gacanta Somaliland, Maamulka Puntland Oo Xarun Baarlamaan Ka Samaysanaya + Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aamusnaan Ku Daawanaysa

focus

Degmada Badhan Oo Ka Sii Baxaysa Gacanta Somaliland, Maamulka Puntland Oo Xarun Baarlamaan Ka Samaysanaya + Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Oo Aamusnaan Ku Daawanaysa

(SLT-Hargeysa)-Degmada Badhan oo ka mid ah degmooyinka ugu waa weyn gobolka Sanaag ayaa waxa ay u muuqataa inay ka sii baxayso gacanta Somaliland taasi bartilmaameed u noqotay maamulka Puntland oo dadaal badan ku bixinaya in uu hanto quluubta dadka deegaanka iyo waxgaradka Magaalada Badhan.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa waxa la sheegayaan in uu dadaalo badan ku bixinayo sidii uu u hantayi lahaa dadka deegaanka, waxaana wararku sheegayaan in maamulka Puntland uu damacsan yahay in Degmada Badhan uu ka dhigto xarunta Baarlaamka sida warar xog-ogaal ahi u sheegayaan shabakadda wararka ee Somalilandtoday.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland ayaa shalay safar ku yimid magaalada Badhan isaga oo kulamo kala duwan la yeeshay dadka Deegaanka, madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Deegaanka.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu dhawaan safar ku yimid magaalooyinka ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka mid tahay Degmada Badhan waxaanu xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo maamulkiisu ka hirgaliyay deegaankaasi.

Xukuumadda Somaliland wali jawaab rasmi ah kama bixin fara-galinta maamulka Puntland ee dhulka Somaliland marka laga yimaado hadalo ay warbaahinta marisay.

Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hoggaanka dalka haysay muddo ka badan 10 bilood illaa hadda ma jiro masuul kaliya oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo safar ku tagay degmada Badhan.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo ka soo jeeda Degmada Badhan ayaa tahli kari waayay in safar ku tago Deegaankaasi.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa waxa ay sheegayaan haddii ay gacanta Somaliland ka baxdo degmada Badhan ay fududaanayso in dhammaan gobolka Sanaag laga raadi doono meel fog, dadka fikirka noocaas ah aaminsan waxa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe mar uu shalay hadal ka jeedinayay xaflad qalin-jabin ah ayaa waxa uu yidhi “meesha uu adduunku maanta calaamadiyay ee muranku ka taagan yahay ee waa Ceerigaabo iyo Buuhoodle, haddii aynu Ceerigaabo gacanta ku qaban wayno oo aynu dejin waynu bariga Sanaag kaadhi kari mayno, Ceerigaabo waa halkii aynu ku tallaabsanayn ee bariga Sanaaf laga tagayay, shalay (Doraad) waxa tagay Badhan guddoomiyihii Baarlamaanka Majeerteeniya (Puntland), way galbatay Badhan laakiin waa la soo celin karaa” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Muuse Biixi waxa jiray guux badan oo laga dareemayo gobollada Bariga Somaliland iyada oo dad waxgarad ah iyo Xildhibaan ka tirsan golleyaasha deegaanku ku hanjabeen inay ka goosanayaan Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaan wali ka jawaab baaqyo ka soo yeedhaya waxgaradka iyo dadka Deegaanada gobollada Bariga Somaliland kaasi oo ku aadanaa caddaalad-darro ay tirsanayaan, sidoo kale waxa jira baaqyo yeedhmo ah oo loo soo jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi balse iyaga wali kamuu jawaabin.

Warbixintan waxa qoray Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top