Connect with us

somalilandtoday.com

Ciyaartoy U Ciyaara Kooxda Barcelona Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

focus

Ciyaartoy U Ciyaara Kooxda Barcelona Oo Dacwad Lagu Soo Oogay

(SLT-Ankara)-Arda Turan oo ah ciyaartoy caan ah oo Turkiga u dhashay ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu la dagaalamay heesaa caan ah oo Turkiga u dhashay.

Dacwad oogeyaasha ayaa dalbaday in 31 jirkan lagu xukumo 12.5 sano dacwada loo haysto awgeed, taas oo keentay in uu sanka ka jabo Berkay Sahin oo heesaa ah.

Isfaham waaga labadan nin ayaa la sheegay in uu ka billawday baar ku yaalla Istambul, markii dambana uu hub lala soo baxay.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara ayaa amaah ahaan ugu dheela kooxda Istanbul Basaksehir, balse wuxuu ka tirsan yahay kooxda Barcelana.

Wararku waxay sheegayaan in fannaanka oo loo yaqaanno Berkay uu la socday xaaskiisa Ozlem Ada Sahin iyaga oo markaas ku sugnaa baar ku yaalla magaalada Istambul, intaas ka dibna uu ninkeeda weeraray, kaas oo markii dambe isbitaal loo qaaday isaga oo sanku jaban yahay.

Turan ayaa markii dambana lagu eedeeyay in uu hub la soo baxay, isla markaasna uu cafis dalbaday isaga oo dalbaday in la toogto haddii fannaanku uu aamino in eedaynta tacaddigu ay runtahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top