(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa saynisyannada isbadalka cimilada ku eedeeyay in ay leeyihiin ajendeyaal siyaasadeed” isaga oo shaki ka muujiyay in banii’aadamku ay masuul ka yihiin kululaanshaha cimilada adduunka.

US President Donald Trump delivers the State of the Union address in the chamber of the US House of Representatives in Washington, DC, on January 30, 2018. / AFP PHOTO / POOL / Win McNamee (Photo credit should read WIN MCNAMEE/AFP/Getty Images)
Trump ayaase dhanka kale sheegay in uusan hadda rumaysnayn in isbadalka Cimilada Adduunku uu yahaywaxba kama jiraaan.
Trump ayaa hadalkan sheegay intii uu waraysiga siinayay barnaamijka telefeshinka CBS ka baxa ee 60 Minutes, wuxuuna ku soo aadayaa wax ka yar toddobaad markii saynisyahannada cimiladu ay soo saareen baaqii ugu dambeeyay ee ku aadan in wax laga qabto cimilada dunida ee sii kululaanaysa.
Saynisyahannada ugu caansan dunidaayaa isku afgartay in isbadalka cimilada dunida ay aadanuhu sababayaan.
Gudiga IPCC oo ah midka ugu horreeya dunida marka ay timaaddo la socoshada cimilada adduunka ayaa ka digay in dunidu ay ku sii socoto kululaansho uu cabirkeedu yahay 3C.