Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Cabdillaahi Kaahin Yuusuf Oo Maanta Ku Geeriyooday Dalka Canada

focus

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Cabdillaahi Kaahin Yuusuf Oo Maanta Ku Geeriyooday Dalka Canada

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Kaahin Yuusuf oo maanta oo ay taariikhdu tahay 15/10/2018 ku geeriyooday dalka Canada.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaanba qaranka Somaliland, kana mid ahaa shakhsiyaadkii wakhtiga dheer geliyey nabadaynta iyo dib-u-dhiska dalka, islamarkaana naftooda u huray sidii ay Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahayd qaran isku filan oo dunida kamid ah.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin
Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top