Connect with us

somalilandtoday.com

Wasaaradda Beeraha Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaan Ku Soo Waajahan Sanaag Iyo Xeebaha Gobolka Saaxil Ee Somaliland

focus

Wasaaradda Beeraha Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaan Ku Soo Waajahan Sanaag Iyo Xeebaha Gobolka Saaxil Ee Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed, ayaa Shacabka ku dhaqan Gobollada iyo qaybo ka mid ah Xeebta Gobolka Saaxil Duufaan la saadaaliyey inay 24-ka Saacadood ee soo socda ku dhufato deegaannadaasi.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo uu wehelinayey Agaasimaha Waaxda Dhulka, Biyaha iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqani Yuusuf Galaydh, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiska Magaalada Hargeysa wuxuu ku sheegay in Duufaantan oo Magaceedu yahay Luban ay ka bilaabantay Waqooyiga Bad-weynta Hindiya, saamayna ku yeelan doonto qaar ka mid ah Waddamada Koonfurta Aasiya, sida Yemen iyo Cumaan, sidaa darteedna la saadaaliyey inay saamayn ku yeelato deegaanada Xeebaha ee Somaliland, gaar ahaan Gobollada Sanaag iyo Saaxil.

Wasiirka Horumarinta Beeraha oo Tafaasiil ka bixinaya khasaaraha ay geysan karto Duufaanta Luban ayaa yidhi “Waxa la rejaynayaa in Gobollada aanu soo sheegnay ay soo gaadhaan dabaylo dhexdhexaad ah oo wata roobab 24-ka saacadood ee soo socda, khasaarahay geysan karaan oo aad u sahlan waxa lagu qiyaasi karaa 10% marka loo eego Xawaaraha dabbaysha oo cabbirkeedu gaadhayo 30 illaa 40 Knots, taasi oo dumin karta dhismayaasha jilicsan, gaar ahaan dhinaca xeebaha.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Sidaa darteed, waxa Xafiiska Xafiiska Saadaasha hawada ee wasaaradda Horumarinta Beeruhu ku war-gelinayaa Dhammaan Dadweynaha Somaliland, guud ahaan Gobollada Sanaag iyo Bariga Xeebaha Saaxil, in aad looga Taxadiro Waxyeellada Roobabkaas dabaylaha wata oo Daadad badana sababi kara, waxyeelo weyna gaadhsiin kara Dadka, duunyada iyo deegaankaba.”ayuu yidhi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top