Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Ninkii Ka Dambeeyey Qaraxii Soobe

focus

Maxkamadda Ciidammada Soomaaliya Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay Ninkii Ka Dambeeyey Qaraxii Soobe

(SLT-Muqdisho)-Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay Xasan Aadan Isxaaq oo ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab,kaasi oo ka dambeeyey fulinta qaraxii 14 Oct sanadkii hore oo dad badan ay ku dhinteen.

Qoraal ka soo baxay Maxakamadda Darajada Kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee ahaa xukunka dhagar-qabahaasi uuna akhriyay Dhamme Muumin Xuseen C/llaahi kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u qornaa sidatan.

Taariikhdu markay ahayd 01/01 2018,waxay Maxakamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka Sida ay u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay Xasan Aadan Isxaaq Cali 23 jir ah Ina Xaawo Maxamed Cali, ku dhashey Bay,kaasoo Xafiiska Xeer-lilaalinta Ciidanka Qalabka Sida ku soo eedeeysay in uu ka tirsanaa Alshabaab,mas’uulna ka ahaa 2 gaari qarax ah ee 14/10/2017 ku kala qarxay Isgoyska Soobe iyo Waddada Dan-wadaagaha,sidoo kale waxaa lagu dacweeyey in gaariga ku qarxay Waddada Danwadaagaha uu isaga gacantiisa ku waday, qaraxyadaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad gaaraya 776 ruux.

Taariikhdu markay ahayd 06/02/2018 Dambiile Shabaab Xasan Aadan Isxaaq Cali waxay Maxakamadda ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay dil toogasho ah, oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee ka kala dhacay Isgoyska Soobe iyo waddada DanWadaagaha 14/10/2017.

Maanta oo ay tariikhdu tahay 14/10/2018, ayaa waxaa lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha xukunkii dilka ahaa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top