Connect with us

somalilandtoday.com

Mas’uuliyiin Ay Isku Beel Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mas’uuliyiin Kale Khilaaf Cakiran Ka Dhex Qarxay, Tallaabo Noocee Ah Ayuu Ka Qaadi Doonaa Madaxweynuhu??

focus

Mas’uuliyiin Ay Isku Beel Yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Mas’uuliyiin Kale Khilaaf Cakiran Ka Dhex Qarxay, Tallaabo Noocee Ah Ayuu Ka Qaadi Doonaa Madaxweynuhu??

(SLT-Hargeysa)-Telefishanka Horn Cable ayaa warbixin uu baahiyay ku sheegay in afar masuul oo ka tirsan xukumadda madaxweyne Muuse Biixi khilaaf cakiran u dhexeeyo, islamarkaana ay jiraan qaar kale oo madaxa iskula jira laakiin, aanu wali khilaafkoodu soo shaac bixin.

Guddoomiyaha hay’adda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah Faysal Cali Sheekh ayaa telefishanka u sheegay in wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed aanu wax shaqo ah ku lahayn arrimaha la xidhiidha duufaan la sheegay in ay Somaliland ku soo fool leedahay kadib markii wasiir Seed sabtidii bulshada uga digay Duufaan iyo roobab la saadaalinayo.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan iyo guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Cismaan Sheekh Cabdi ayaa madaxa iskula jira. Labada masuul oo isku haya awoodda ayaa kiiskoodu gaadhay madaxweyne Biixi oo la filayo in uu u gar naqo.

Hore waxa murano xil ka qaadis ku dhammaaday u soo kala dhex galeen masuuliyiinka xukuumadda madaxweyne Biixi Qaarkood. Muran u dhexeeyay wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Gur-barwaaqo iyo agaasimaha guud Cali Caliyow taasi uu madaxweynuhu xilka ka eryay Mr Caliyow oo ay madaxa isla galeen wasiir Guri Barwaaqo oo ay isku deegaan yihiin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaana arrintaa ay dad badan u arkeen inay noqotay tallaabo reernimo ah oo uu qaaday Madaxweynuhu.

Haddaba waxa la eegi doonaa tallaabada uu madaxweynuhu ka qaadi doono afartan masuul oo laba ka mid ah ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top