Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladdaha Ingiriiska Iyo Mareykanka Oo Qaadacaya Shirka Dhaqaalaha Ee Sucuudiga

focus

Dawladdaha Ingiriiska Iyo Mareykanka Oo Qaadacaya Shirka Dhaqaalaha Ee Sucuudiga

(SLT-London)-BBC-da ayaa ogaatay in waddamada Britain iyo Mareykanka ay suurtagal tahay in ay qaadacaan shirweyne dhaqaalaha iyo maalgashiga ku saabsan oo la filayo in bishan uu ka furmo dalka Sucuudiga, sababo la xirira arrinta weriyaha Sucuudiga u dhashay ee la la’yahay meel uu jaan iyo cirib dhigay.

Waxaa sidoo kale soo baxaya in waddamada reer galbeedka intooda badan ay ka hadleen arrinta weriye Jamal Khashogg isla markaana ay si wada jir ahi u soo saareen warbixin qoraal ah oo ay ku cambaareynayaan dilka la sheegay in Sucuudigu uu u geystay weriyahaasi.

Samer Shehata oo ah bare-sare oo arrimaha bariga dhexe ka dhiga jaamacadda Oklahoma ayaa BBC-da u sheegay in qaadacadda shirkaasi uu miro dhal noqonayo waa haddii la xaqiijiyo eedeymaha ka dhanka ah Sucuudiga.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay sheegay in Mareykanku uu “ciqaab adag” marsiin doono Sacuudi Carabiya waa haddii buu yiri la xaqiijiyo in Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay mas’uul ka aheyd dhimashada weriye Jamal Khashoggi.

Waxa uu sheegay inuu “aad uga xumaan doono ugana caroon doono haddii ay arrintaasi dhab noqoto”, hasayeeshee waxa uu uu meesha ka saaray inuu hakin doono qandaraaska milateri ee ballaaran ee uu Mareykanku kula jiro boqortooyada taas oo uu ku sababeeyay in haddii la joojiyo qandaraaskaasi ay dad badan ku dhici doonto shaqo la’aan.

jamaalLahaanshaha sawirkaAFP

Khashoggi, oo ka soo horjeeday dowladda Sucuudiga, ayaa la waayay labadii Oktoobar kaddib markii uu booqday qunsuliyadda dalkaasi uu ku leeyahay magaalada Istanbul.

Sacuudi Carabiya ayaa iska fogaysay eedaha ah inay amartay in la dilo ninkaasi kuna tilmaantay “been”.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Cabdulcasiis bin Sacuud bin Naaif bin Cabdulcasiis, ayaa war ay ka soo xigatay wakaallada wararka ee Sucuudiga Jimcihii, waxaa lagu sheegay inuu yiri, boqortooyadu waxa ay sidoo kale danaynaysaa inay qeexdo “xaqiiqada dhabta ah”, hasayeeshee waxa uu intaasi ku daray in eedaha ah inay amartay dilka Khashoggi ay yihiin kuwo aan “sal lahayn”..

Ila wareed ka tirsan ciidammada ammaanka ee Turkiga ayaa BBC-da u sheegay in saraakiishu ay hayaan caddeyn ah cod maqal iyo muuqaal ah oo qeexaysa in Khashoggi, oo wax ku qori jiray wargeyska the Washington Post, lagu dhex dilay qunsuliyadda dhexdeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevut Cavusoglu, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya aanay weli la shaqeynayn dambi baarayaasha.

Waxa uu ka codsaday inay la shaqeeyaan baarayaasha una ogolaadaan saraakiisha Turkiga inay gudaha u galaan qunsuliyadda.

trumpLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Wareysi uu Madaxweyne Trump siiyay warbaahinta CBS News ayuu ku sheegay in haddii ay arrintaasi run tahay oo dhab ahaantii la dilay weriye middaasi waa wax “laga argagaxo oo laga yaqyaqsiyoodo”.

“Xogta kama dambaysta ah ayaannu heli doonnaa ciqaab adag ayaana jiri doonto,” ayuu yiri.

Goor sii horraysay madaxa Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dalbaday in “runta laga sheego” weriyaha u dhashay dalka Sucuudi Carabiya, Jamal Khashoggi, ee la la’yahay.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa BBC-da u sheegay inuu ka cabsi qabo inay joogto noqoto in sidaas oo kale dad kale loo waayo misana ay caadi iska noqotaba.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top