Connect with us

somalilandtoday.com

Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Sababo Aan La Shaacin Isku Casilay

focus

Taliyihii Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Oo Sababo Aan La Shaacin Isku Casilay

(SLT-Muqdisho)-Wararka aynu ka helayno magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in caawa fiidkii uu iskii shaqada uga tegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen.

Sida ay ku warramayso Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee Sonna, Agaasime Xuseen ayaa warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhanka kale barta ay Twitter-ka ku leedahay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa waxaa la soo dhigay fariintan hoose:

Warar ay BBC-du helayso ayaa sheegaya in sababaha uu xilka isaga casilay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA), Xuseen Cismaan Xuseen, inay tahay inuu doonayo inuu sharaxo xilka madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya kaas oo lagu wado inuu qabsoomo 17-ka bisha Nofeembar ee soo aaddan.

Agaasime Xuseen Cismaan Xuseen ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA) waxa uu hayay wax ka yar hal sano.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top