Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Duufaanta Luban Oo Si Toos Ah Ugu Soo Waajahan Somaliland

focus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Duufaanta Luban Oo Si Toos Ah Ugu Soo Waajahan Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Duufaanta Luban ee ka soo kicitintay badda carbeed ayaa la filayaa in berriga ay soo gaadhi doonto maanta oo Sabti ah.

Sida uu BBC u sheegay Cabdiqani Yuusuf Galayr oo ah agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha ee Somaliland, cabsidii laga qabay in dhibaato xoog leh ay gaysato ayaa soo yaraanaysa.

“Duufaanta xooggeeda waxay ku dhufan doontaa dalka Cumaan, ayadoo ka dibna uga sii gudbi doonta dalka Yemen. Gobollada Bari, Sanaag, iyo Saaxil waxaa xeebaha laga dareemi doonaa dabaylaha inkastoo aysan awooddii hore lahaan doonin” ayuu yidhi C/qani.

Halka ay ku beegan tahay 48 saacadood ka dib oo ka bilaabata gelinka hore ee 12ka OktoobarLahaanshaha sawirkaSWALIMImage captionHalka ay ku beegan tahay 48 saacadood ka dib oo ka bilaabata gelinka hore ee 12ka Oktoobar

Wuxuu intaa ku daray in deegaanno ka tirsan gobolka Sool ay roobb xoog badan ka da’aan, halka dhulalka dooxooyinka ah laga cabsi qabo daadad inay ku soo rogmadaan, kuwaasoo ka dhalan kara roobabka waaweyn ee ay duufaantu wadato.

C/qani wuxuu BBC u sheegay in deegaannada Soomaalida ay dabayshu ku soo beegan tahay 24 saacadood ka dib marka ay ku dhufato dhulalka Carbeed.

Halka ay ku beegan tahay 72 saacadood ka dib oo ka bilaabata gelinka hore ee 12ka OktoobarLahaanshaha sawirkaSWALIMImage captionHalka ay ku beegan tahay 72 saacadood ka dib oo ka bilaabata gelinka hore ee 12ka Oktoobar

Wuxuu sheegay in awooddeedu ay ku baabi’I doonto gobollada galbeedka Somaliland ilaa iyo Jabuuti, halkaasoo la filayo in roobab xoog leh ay ka da’aan.

Wuxuu kula taliyey dadku in aysan badda kalluumaysi u galin, doomahoodana ay kala soo baxaan, kuwa deggan meelaha biyo mareennada ahna wuxuu uga digay in daadad ay ku soo rogman karaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top