Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Ku Guullaysatay Doorasho Ka Dhacday New York, Markii U Horeysay-na Si Rasmi Ah Xubin Uga Noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey

focus

Soomaaliya Oo Ku Guullaysatay Doorasho Ka Dhacday New York, Markii U Horeysay-na Si Rasmi Ah Xubin Uga Noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey

(SLT-New York)-Soomaaliya ayaa markii u horeysay si rasmi ah xubin uga noqotay Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, kaddib doorasho ka dhacday magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobey.

Doorashadan ayaa aheyd mid qarsoodi ah oo dhammaan 193 dal ee ka midka ah Qaramada Midoobey ay ku doorteen 18-ka xubnood ee Golaha Xuquuql Insaanka ka mid noqonaya.

Soomaaliya ayaa heshay 170 cod oo ka mid ah 193 dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobey, waxaana ay ka mid noqotay 5 dal oo Afrikaan ah oo ka mid ah 18-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey.

Ergada Joogtada ee Soomaaliya u fadhiga Qaramada Midoobey ayaa dadaal xooggan u galay sidii Soomaaliya uga mid noqon laheyd Golahan mudada 2019/2021, dadaaladan ayaa waxaa hormuud u ahaa Safiirka Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobey Amb. Abuukar Baalle.

Dalalka Afrika ee ku guuleystay xubinimada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa ahaa shan dal waxaa ka mid ahaa Burkina Faso, Cameroon, Eritrea, Togo iyo Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top