Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Afrika Oo Ammaanay Tallaabo Ugub Ah Oo Itoobiya Ku Dhawaaqday

focus

Midowga Afrika Oo Ammaanay Tallaabo Ugub Ah Oo Itoobiya Ku Dhawaaqday

(SLT-Hargeysa)-Midowga Afrika (AU) ayaa ku ammaanay Dowladda  Itoobiya tallaabada ay ku fasaxday in dalkeeda ay bilaa fiise ku geli karaan dhammaan muwaadiniinta u dhashay dalalka Afrika.

Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika Muuse Faki Mahamat ,ayaa soo dhaweeyey  go’aanka dowladda Itoobiya ku bilowday in  Afrikaanku ay  ku iman karaan dalkeeda  fiise la’aan,  waxaanu dalalka kale ee xubnaha ka ah midowga Afrika ugu baaqay inay fududeeyaan shuruucda  ku wajahan socdaalka  dadka Afrikaanka ah oo ay ku daydaan  tallaabada Itoobiya.

Guddoomiyaha AU-du wuxuu balanqaaday inuu ka shaqeynayo sidii dadka Afrikaanka ahi ay si xor ah ugu wareegi lahaayeen Afrika oo dhan, iyadoo aan la weydiinayn dal-ku-gal.

Madaxa midowga Afrika ayaa  xusay  in bishii Janawari ee sannadkan la gaadhay heshiis dhigaya inay dalalka afrika  yeeshaan is-dhexgal dhaqaale iyo ganacsi, hindisahaasi oo suurtogelinaya  in qof kasta oo afrikaan ahi uu ganacsi ka bilaabi karo waddanka uu doono ee qaaradda ku yaalla.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top