Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay 24 Sanno ONLF Ahayd Oo Markii U Horraysay Qoyskeeda La Midowday

focus

Haweenay 24 Sanno ONLF Ahayd Oo Markii U Horraysay Qoyskeeda La Midowday

Tan iyo markii baarlamaanka Itoobiya uu xayiraaddii ka qaaday ururrada mucaaradka ee dalkaasi oo ay ka mid ahayd jabhadda hubeysan ee ONLF, ayaa waxaa billowday in hogaamiyayaasha ururradaasi ay dib dalkooda ugu soo laabtaan ka dib tobannaan sano oo ay dibadda ku noolaayeen.

Dadka dib Itoobiya ugu soo laabtay waxaa ka mid ah Cambaro Aw Axmed, Madaxa Arrimaha Haweenka iyo Carruurta ee ONLF oo in kabadan 20 sano dibadda ku noolayd.

Maqnaanshaheeda iyo jabhadnimadeedu waxaa Jeel ku muteystay seygeedii iyo toddobo carruur ah oo ay dhashay.

“Ninkaygu habeenba nafis ma arkin, sidii loo rafaadinayay ee qawda loogu hayay ee loo xirayay ayuu markii dambe rafaadkii ku dhintay” ayay tiri Cambaro oo dib u milicsanaysa wixii soo maray qoyskeeda.

“Silic buu adduunka ku dhamaystay dalkana waa laga wada ogyahay” ayay intaas ku dartay.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in ay laamaha ammaanka ee dalka Itoobiya gaysteen dhibaatooyin baaxad leh isla markaasna dad badan oo lagu dhibaateeyay xabsiga.

Dawladda Itoobiya ayaase mar kasta diidi jirtay in laamaha ammaanku ay dhibaatooyin gaystaan.

Balse xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya ka dhalatay ayaa aqbashay in dhibaatooyin baaxad leh ay dhaceen.

Jeel Ogaadeen waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa meelihii dadka lagu dhibaateyn jirayLahaanshaha sawirka.Image captionJeel Ogaadeen waxaa la sheegaa inuu ka mid ahaa meelihii dadka lagu dhibaateyn jiray

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaase sheegay in tuulo kasta oo dalka Itoobiya ku taalla ay laamaha ammaanka tacaddi ugu gayteen dad shacab ah.

Dadkaasna waxaa ka mid ah qoyska iyo carruurta Cambaro oo eersaday in ay ONLF ka mid ahayd, sida ay sheegtay.

Cambaro ayaa sheegtay in xataa labo gabdhood oo yaryar oo ay dhashay saqdhexe gaari lagu qaaday oo xero milatari lagu xiray, balse qof aysan magaciisa sheegin oo maamulka ka mid ah uu sii daayay.

“Abaalkiisa anoon gudin in aan dhinto ayaan ka yaabi sharaf iyo cisi Allaha siiyee” ayay tiri.

Cambaro waxay sheegtay in odaygeeda uu u dhintay jirdilLahaanshaha sawirkaHRWImage captionCambaro waxay sheegtay in odaygeeda uu u dhintay jirdil

Iyada oo waraysi gaar ah siinaysa BBC ayaa Cambaro la waydiiyay waxa ay soo kordhisay wakhtigaas dheer ee ay ku hawlanayd arrimaha jabhadda ONLF.

“Magac iyo aqoonsi uusan waddan kani lahayn ayaan soo kordhinay” calanka ONLF-na shanta qaaradood ayuu ka babbanayaa.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top