Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyay Qalabkii Ugu Dambeeyay Ee Hagista Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyay Qalabkii Ugu Dambeeyay Ee Hagista Hawada Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Munaasabad lagu qabtay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo wareejiyay dowlada Soomaaliya qalabkii ugu dambeeyay ee laga maamuli jirey hawada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad(Oomaar),siihaya safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) iyo saraakiil ka tirsan laanta duulista iyo Hawada Kenya ayaa ka qeybgalay munaasabadan.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in dhammaan qalabkii yaalay Xarunta laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya oo ay ku jirto lagu wareejiyay safaarada Soomaliya ee Kenya maadaama ay tahay hanti Qaran si loo geeyo Magalada Muqdisho oo hadda laga maamul hawada Soomaaliya.

Siihayaha safaraada Soomaaliya ee dalka Kenya Cali Maxamed Sheekh(Bagadi) aha qunsulka guud ee Safaarada ayaa dhinaciisa sheegay in qalabkas ay a wareegeen,isla markaana loogu Shaqeyn doono Qaranka Soomaaliya, sidoo kalena albaabada la isugu dhuftay Xaruntii hore ee dalka Kenya.

Hawada Soomaaliya ayaa haatan waxaa laga maamulaa magaalada Muqdisho iyada oo tan iyo burburkii dawladdii millatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre laga maamuli jiray magaalada Nairobi ee dalka Keny.
Xukuumadda Somaliland ayaa kufashilantay inay wax ka qabato tallaabadan dhaawacaysay ictiraaf raadintii ay madax-bannaanida Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top