Connect with us

somalilandtoday.com

11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

focus

11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-11 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay degaanka Burcada Yar ee bariga magaalada Hargeysa.

Sida uu u sheegay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Taliyaha xafiiska Nabadgelyada Waddooyinka ee Aagga bari ee magaaladda Hargeysa Laba Xiddigle Maxamed Muuse Xirsi, shilkan ayaa dhacay abaaro 10:00 subaxnimo ee saaka ka dib markii gaadhi noociisu yahay Bas oo ay leedahay shirkadda Salaama uu galay guri waddada dhanka waqooyi ka xigay.

Taliyuhu wuxuu  intaas ku daray in 11 qof oo ka mid ahaa 26 qof oo rakaab ahaa ay ku dhaawacmeen, lana dhigay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Laba Xiddigle Maxamed Muuse Xirsi, ayaa  tilmaamay in ciidanka nabadgelyada waddooyinku gacanta ku hayaan gaadhiga shilka gaystay iyo wadihiiba, isla markaana ay ciidanku baadhayaan sababta shilka dhalisay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top