Cuqdad biirtay, beello la colaw badheedh ah , meel walba wax ka day, farsamo xumaan, garaad darro iyo siyaasad guracan, intaas oo la isku daray, waxa ay iska dhalaan baa la yidhi ” Xaaraan nijaas lagu dalacay, saw ka durug maaha ” Waxay-na kaa ridaan jarar aanad ka soo waaqsan doonin iyo gebiyo aan dib looga soo noqon, waa-se maskax askareed iyo caada-deed, oo weliba malaha way si dhaam-dhaamaane tii ku jirtay ( Raggii Ma Adigaa Ka hadhay). Awelba

waynu ogayn qaabka uu askarigu u fekero, oo waa ta ku keliftay, in uu boob iyo laaluush Komishanka dhuuni qaataha ah, uu siiyo ku soo fuulo kursiga, ilayn waynu uga war haynaa is wacane, mid is diidsii-naaya mooyee, oo leh isku xaafad awgeed baanu nahayu taageerayaa, oo xaaraan iyo qabyaalad ama xulafaysi baanu ugu sacab tumaynaa, kuwaas oo hadda cabaadka ka wadhay iyo qaylo-dhaan, anaka baa kuu foodnay, ee maxaad na siisay la waraaqaaya? Saw intii uu rabay markuu idinka helay, dhabarka idiin-ma jeedin. Abaal-kiinii hadba maala caana-heedda dhante, xinkii halkaas buu idin dhigaye. Askartan caqli gaab-nima-doodda waynu naqaanaye, in aanu Illaah goror-ba ugu shubin dhakadda dul saarane, idinka baa awr layli ah ku raratay reere. Aan dib ugu soo noqdo micnaha uu qeexaayo Cinwaan-kuye, in yar wakhti i sii muwaadin.
Cudurku markuu qof ku dhaco waa la daaweeyaa, lakiin akhristaw, runtu waxay tahay, markuu iimaanka xanuun kaaga dhaco, iyo garashadda, xal lagu-la daalo ma laha, illaahayn-na looma baryo, waayo maaha cudur caadi u yimi iyo mina-laah, ee waa mid uu qofku isku beero laf-tiisa. Baroortu orgaca ka weyne, waxa kale maaha ujeedadda laga leeyahay taariikh la masaxaa, ee waa tii lagu yaqaanay ilaa yoomal-diin oo aan fool-dhan, sideeddii u leh xabajaddii, oo weliba calaa-haakadda isku sii maluuqay, wixiisii xilka lahaa, waana looga fadhiyey askariga in uu ku kaco taas iyo wax ka sii xun, oo waabad arag-taan xaaladda uu dalkii ku sugan yahay, wakhtigan aynu ku jirno. Saldhi-geeduna waxa weeye taariikh tirtir, mid aan jirina la rabo in la dhoob-dhoobo. Dugsiggii Hargaysa ee Maxamuud Axmed Cali (IHN) waa Aabihii Tacliinta Somalilande, waad la soco-taan waxa beryahan ka taagan, waa intii ay askartu meesha timiye, waxa la fadha-taystay dayrkii dugsiga, oo uu bixiyey ka uurka kuusan ee la yidhaaho ” Ma Kash-bacay”, waxad ugu yeedhaan malaha Maayarka Hargeysa’e. Sheekadu mid idinka qarsoon maaha, ee qaar meel ay ka yimaadeen aanay jirin baa magac loogu samnaynayaa, waxana amarka bixiyey Askariga laf-tiisa, waxa la siiyey, oo bakhaaro ka furtay dusiga dhex-diisii, kuwo ay isku beel yihiin askariga. Bal maxay idin-la tahay caqliga cayn-kaas ahi? Saw iska cadaan maaha aan geed-na foodda loo soo saarin, waa ayo cidda ka taariikh weyn ama mudan (IHN) Aabihii tacliinta Somaliland? Waxa kale maaha jawaabtu, ee waxay tahay beel heblaayo, oo aan la col ahay buu ka soo jeedda, mase hayaa mid u dhigma askarigu? Waa maya, ee siduu isagu u samaystay wax uu isku sheego, oo aanu meela u soo marin, habeen qodaxi u soo mudin buu doonayaa, in uu mid kale inoogu sheego Aabihii tacliinta, ee ma ka soconaysaa? ilayn sidiisa wixii Xadka ka talaabay ayaamihii af-weyne Mujaahid bay sheeg-taane.
Maalmahan ina soo dhaafay, waxad war-baahinta kala socoteen, Ardayddii dhigan jirtay dugsi-gaas M.A.Cali (IHN), oo mudaaha-raadaysa, oo askar ku sheeg cid gaar ah u shaqaysaa, si khaas ahaan ahna ugu adeega, ilaalinyana jeegaanta iyo maamul-keedda, in kale-na isha ku hayaa, oo aan hawl kale-ba loo dirin, oo dhalintii ama ardayddii qoryo iyo rasaas la hor taagan, uguna hanja-baysa car juuq dhaha, iyaka oo sharci ku sheegaaya in ay haystaan, kuwa reernimo loo siiyey dayrkii dugsiga, ee laga dhex furtay Bakhaaradda iyo baayac-mushtarka, iyadda oo lagu baabi’inaayo taariikh-ddii (IHN) Maxamuud Axmed Cali. Muran iyo sheego baraley bay iskula meeraysa-naysaa, oo waa dawlad iyo distoor baa ka jira dalka, lagu dambaba-sayaa xaqa iyo cadaaladdii, siddii ay dad waalan wax u sheegayaan, mase oga in laga horeeyo, oo uur-koodda lagu jiro, cid loo dabaal-joogtayn karaana aanay jirin haba-yaraatee. kuwa jeegaan ahaan u daba-roorayaa, dhuuni raac-nimo, xil-dhaadhi, munaafaq laba wajiile ah, ay uurka cuqdadi boogaysay, isagu calooshiisa uun yaqaan, miyaan ka yeelaa, oo aan ka dhegaysanaa sidaasi waa cadaalad. Waxan ku soo dabray qoraalkan, maansaddii qaasim (IHN), ee maan-deeq la odhan jirey, murti ku jirtay oo ahayd ” Diriyadda Habaaska ah, Mar baa doog ka soo bixiye, Mar uun buu daboolka isaka rogi, doob la quudh-sadaye, Dib-jirkiyo mar baa reer miyigu, daasadaa qubiye, dabar-kiyo, hogan-kiy mar baan, diidi keenada’e, iska doogsin cararaay, mar bay daydo ii curane”. waa sidaase, waxa aynu dhawaan filaynaa in ay soo gabaga-bawdo jeegaanta iyo waxay cago ku jiidataa, oo mid ka taliya xaqa, sinaanta ummadda reer Somaliland, wax wadda lahaansha- hoodda, oo mid waliba cadka uu leeyahay siiya, tirtira anshax xumidda, eexdda, kala sooca, isku-dirka, oo soo af-jara, beenta shicibka waxoodda lagu hantiyey, ee loo soo xoolo doontay, loona soo tafa-xaytay in laga dhisto dabaqyo, lagana noqdo milyan-neero, sidda askartan iyaka oo kaba la’ xadka kaga soo talaabay, imikana jeebabka ka buux-saday.
N.B Wax is moodaye, way baad ku dambayn.
Qore:- Abdi-Shotaly
ashotaly5@gmail.com