Connect with us

somalilandtoday.com

Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Faray Inay Bulshada Ka Caawiyaan Dhibaatada Duufaanta Ku Soo Waajahan Xeebaha Somaliland

focus

Badhasaabka Gobolka Awdal Oo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Faray Inay Bulshada Ka Caawiyaan Dhibaatada Duufaanta Ku Soo Waajahan Xeebaha Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa xalay kala shiray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Awdal sidii bulshada looga wacyigelin lahaa duufaan saadaasha hawaddu sheegtay inay ku dhufan doonto badda carabta maalmaha Sabtida iyo Jimcaha isla markaana ay saamayn ku yeelan doono xeebaha Somaliland.

Shirkaas waxa goob joog ka ahaa iskuduweyaasha laamaha dowladda ee gobolka Awdal. Siday Werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Badhasaabka Awdal , Cabdiraxmaan Axmed Cali uu sheegay in maamulka gobolka iyo degmooyinku u diyaar garoobayaan sidii ay degmada Lughaya ugu diyaarin lahaayeen kooxo caafimaad oo bulshada ka saacida haddii dhibaato ka soo gaadho duufaantaas.

Badhasaabka Awdal wuxuu intaas ku daray in 7 baabuur oo ay saaran yihiin kooxo caafimaad la geeyey xeebaha gobolka Awdal.

Waxa kaloo uu amar ku bixiyey in gaadiidka dowladda ee degmooyinka gobolka oo dhan ay heegan ku noqdaan degaannada xeebaha ah, waxaana shirkaas fadhiyey iskuduweyaasha laamaha dowladda gobolka Awdal.

Duufaantan oo la yidhaahdo Luban waxa weheliya roob xoog leh oo la saadaalinayo inuu ka da’i doono degaannada xeebaha, waxaana xoogeedu ku dhufan doonaa dalalka

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top