Connect with us

somalilandtoday.com

Xaflad DP World Ku Qabanaysay Berbera Oo Uu Furitaankeeda Ka Qeyb-gali Lahaa Madaxweyne Biixi Oo Baaqatay Iyo Saylici Oo Ka Qeyb-galaya

focus

Xaflad DP World Ku Qabanaysay Berbera Oo Uu Furitaankeeda Ka Qeyb-gali Lahaa Madaxweyne Biixi Oo Baaqatay Iyo Saylici Oo Ka Qeyb-galaya

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa u anbabaxay Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Waftiga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen Wasiiro iyo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye ee taladda haya ayaa ujeedadoodu ay tahay sidii ay uga qayb geli lahaayeen xaflad lagu dhagax dhigay dhismaha cusub ee Dekeda Labaad ee Berbera laga hir gelinayo.

Dhismaha Dekedan Cusub oo ay bilaabayso Shirkadda DP World ayaa markii hore la sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ka qayb geli doono, hasayeeshee mar danbe ayay wax isbedeleen oo lagu war helay in uu madaxweyne Ku Xigeenka Somalilandb ka qayb galayo.

Dekeda Labaad ee ay hir gelinayso Shirkadda Dp World ayaa ku jirtay qorshaha heshiiskii u dhaxeeyay Somaliland iyo Dp World.
Madaxweynaha Somaliland ayaa tan iyo markii la doortay aan safar ku tagin gobolada Somaliland marka laga reebo gobolka Awdal oo xafladii qalin-jabinta Jaamacadda Camuud uu kaga qayb-galay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top